Tuesday, March 11, 2014

Arsene Wenger Oo Ku Kalsoon In Wiilashiisa Ay Guul Ku Gaari Doonaan Allianz Arena.


gun__1378990185_Ozil2Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa kalsooni ku qaba wiilashiisa shaacana ka qaaday iney guul kuso gaadhi doonaan garoonka Allianz Arena ee dalka Jarmalka.




 




Laba gool oo ka kala yimid Toni Kroos iyo Thomas Muller ayaa guusha siisay Bayern Munich lugtii hore o ka dhacday London markaas oo wiilasha Pep Guardiola ay marti ahaayeen balse sanadii hore waxaa dhacday in Bayern ay guul kusoo gaadho London isla markaana guuldaro ay soo gaadho  kulankii gurigeeda, wenger ayaana taas daliil ka dhigtay iney caawa garaaci karaan Bayern Munich .




 




Si Kastaba Tababare Wenger ayaa kalsooni ku qaba in Wiilashiisa ay sameyn karaan waxqabadkii iyo bandhigii sanadii hore.




 




“Inaad guuleysato waa adigoo soo bandhiga qaab ciyaareed wanaagsan, waan sameyn karnaa shaqadii sanadkii hore aan qabanay waayo wey fududahay in lagu celiyo sheeko horay u dhacday” ayuu yidhi Wenger.




 




“Taariikhdu waa muhiim in la aamino iyo in la isku dayo mar kale, waxaan 5-1 ku dhufanay Inter Milan iyadoo joogta gurigeeda sanado hore taasna waa wax Arsenal looga bartay iney guulo ku gaadho garoomada ay martida ku tahay”




 




Arsenal ayaa caawa weyi doonta Wojciech Szczesny oo ganaaxan iyo Gibbs oo dhaawac kaga maqan balse Koscielny oo aan ciyaarin kulankii Everton ee todobaadkaan ayaa dib ugu soo laabanaya naadiga.