Pages

Wednesday, March 5, 2014

Wasiir Samaale wuxuu qaatay Geesinimo la mida tii Mandela!


“Wasiir Samaale Waxa Uu La Yimid Geesinmo La Mid Ah Tii Uu Qaatay Hogaamiyihii ANC Mandela Ee K/Africa”by: Ayaanle Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle




MandelaWaxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ergadii uu ka galay soo afjarida khilaafkii xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayay muddada dheer gaadhay hankiisii hogaamineed.




Waxa kale oo aan u mahad naqayaa dhinacyada fikirka ku kala duwanaa ee aqbalay qodobada la isugu soo dhaweeyay, laguna dhameeyay khilaafkii Kulmiye.




Si gaar waxaan ugu mahad naqayaa  mudane C/casiis oo tanaasul badan la yimid muujiyayna lexejeclo, waxa uu C/casiis qaatay go’aankii hogaamiyihii koonfur Afrika  aabihii dimoqraadiyada, maamul wanaaga Nilson Mandela si uu u mideeyo shucuubta Koonfur Afrika.




Waa go’aankii madaxweyne Siilaanyo qaatay 2003dii doorashadii madaxtinimada ee 80ka cod oo siduu ku yimid la ogaa hadana aqbalay.




Waxa kale oo aan ku sifayn karaa go’aankii Cumar binu khadaab qaatay markii dawladnimada loo caleemo saaray Abibakar Sidiiq, markii nabi Muxamed (csw) geeriyooday iyo kii uu qaatay Cali binu abu daalib markii badhasaabo gobollada islaamku khilaaf soo kala dhexgalay.




Waxa kale oo uu muujiyay ama qaatay go’aankii hooyadii lagu qabsaday ilmaheeda kuna qabsatay gabadha kale markii la doonay in la kala saaro ee qaadigii galay arrinta ee uu soo jeediyay in la kala gooyo ilmihii hooyadii runta ahayd qaadatay go’aan in ay iyadu iskaga tagayso lexejeclo darteed, sidaasina ilmaheedii lagu wareejiyay markii la ogaaday damqashadeeda iyo lexejeladeedii.




Waxaan rajaynayaa mustaqbalka inuu ku gaadhayo si ka fudud kan maanta uu ku gaadhi lahaa, isla markaana uu kasban doono hogaaminta xisbiga iyo hankiisa madaxweynenimo si qurux badan insha allah.




Waxa kale oo aan doonayaa inaan laba arrimood halkan ka cadeeyo arrimahaas oo  kala ah:-




1 waxan dabayaaqadii sanadkii 2013-kii soo bandhigay damac ah inaan isu taagayo xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye oon aamisanahay inaan wax ka badali lahaa habsami u socodka xisbiga, isla markaana dhalinyaro ahaan kaga qaybgalo hogaanka xisbiga, walina damacii aan qabay aanu iga dhamaan ee aan wali qabo oo uu hankaasi igu jiro, hadana maanta laga bilaabo waxaan cadaynayaa in aan taladaasi qaatay oo aan aqbalay, isla markaana hakiyay hankaygii murashaxnimo, taladaas madaxweynahana aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa.




 




Ta kale waxaan jecelahay in aan wax yar ka idhaahdo shakhsiyaadka caadaytay inay afxumo iyo aflagaado ummada la dhex joogaan oo mucaaridadii iyo qaranimadii iskaga khaldameen yidhaa uun wax rag loogu maahmaaho maahee (baribaa gabadh xun oo ah dumaraan xumaanta u banbaxay ay cayday inantii u shaqaynaysay dabadeedna inantii ayaa wax aamusiiya la waayay, markii la waydiiyay waxan ay ka cabanayso ilayn caydu meel daloosha kama galaysee waxay tidhi maan diidin caydee maxaan ku caayaa), imika maan diidin mucaaridnimadee laakiin waxaan leeyahay malaa mucaaridadu afxumo warbaahinta la mariyo shacabka wax jira iyo waxaan jirin loo sheego, horumarka iyo waxqabadka la dafiraa kuma qurux badna. Waxaan ku soo gabagaynayaa xikmada tidhaa (afxumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto). Bulshada Somaliland waxaan leeyahay taageera horumarka  dalka ka socda.




Waxa kale oon saaxiibadayda xisbiga hogaamintiisa sii wada kula talinayaa inay muddada hogaaminta ee isu jidiiyay xisbiga isku muujiyaana hogaamin qaangaadh ah. Waxaan xusuustaa 1997-kii shirweynihii saddexaad ee lagu qabtay Hargeysa, kuna tartameen madaxweyne Cigaal, Saleebaan Gaal iyo Maxamed Xaashi, waxa markii ina Cigaal guulaystay uu Saleebaan oo ahaa musharaxa ay aad isku hayeen goobtaas kula dardaarmay madaxweyne guulaystay maanta madaxweyne muxaafid iyo mucaarid ku doortay iyo kan kaa codeeyay adigaa madaxweyne u ah waxaan kuu rajaynayaa inaad isku wadi doontid.




Qalinkii: Ayaanle Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle




Handule_2007@hotmail.com