Mas ayaa ku guulaystay dagaal dheer oo dhexmaray yaxaas, iyadoo ugu dambayntii yaxaaskii la cunay.
Arrintan ayaa ka dhacday badda Moondarra, sida ay sheegtay Gabadh deegaanka ah oo sawirro ka qaaday dhacdadan.
Maska oo loo malaynayo inuu jebiso ahaa ayaa isku duubay yaxaaska, ilaa uu ka dhintay kaddibna dibedda ayuu ula soo baxay si uu cuno.
Tiffany Corlis, oo sawirradan qaadday ayaa sheegtay in arrintan ay la yaab ku noqotay.
Corlis ayaa sheegtay in maska ay 15 daqiiqo oo kaliye ku qaadatay inuu dilo yaxaaska, sida Bogga BBC-da lagu daabacay.
Maska ayaa cuslaaday marka uu liqay yaxaaska.
Corlis waxay sheegtay inaanay garanayn halka uu aaday markaasi markii Yaxaaska dilay kaddib, oo iyagu ka tageen goobta.
Nooc ka midda Xawayaanka Beerka ku socda ee dhulka Somalida laga helo ayaa berrigii hore lagu yaqaanay inay cunaan xawayaanka lugaha ku socda sida ugaadha.
Abbeessada ayaa ka mida kuwa Beerka ku socda ee Ugaadha cuna Soomaaliya.