Hargeysa (GNA ) Wasiir ku xigeenka Macdanta Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Puntland ku tawaawacdo in socdaalkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee deegaanadda Sanaag bari siiba Magaaladda Laasqoray uu ahaa mid dhuumasho ah.
Wasiirka oo shalay magaaladda Hargeysa ku soo laabtay ayaa maruu madaarka Warbaahinta kula hadlayay soo qaaday socdaalka Madaxweynaha Siibi kii Laasqoray oo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay Somaliland.
Wasiir Abdisalaan waxa uu gef ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta ee Puntland kaasoo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo socdaalkiisa laasqoray ahaa dhuumasho.
waxanu yidhi'' Nin Garoowe ka hadlayay oo Wasiirka Warfaafinta Puntland sheeganayay oo booqashaddi Madaxweynaha ee Laasqoray ku sheegay mid iska soo gelis ah oo aan qorsheysneyn waxan leeyahay iska hadloow ina igare way qorshaysnayd waqtiguu ugu tala galay Madaxweynuhu buu joogay mashaariic buu ka dhagax dhigay isagana xadhiga ka jaraya oo wuu kusoo laabanayaa''
Wasiir Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa kamid ah Wasiiradda deegaan ahaan kasoo jeedda Sanaag Bari Badhan iyo Laasqoray isla markaana saamayn togan ku leh ee deegaanadaasi.
Hase ahaatee hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xili Maamulka Puntland labadii maalmood ee la soo dhaafay ay awood ciidan kula wareegeen Degmooyinka Hadaaftimo iyo deegaamo hoosyimaada, kuwaasoo ay shalay ka soo caydhasadeen wefti uu hogaaminayo Wasiirka kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews