Thursday, March 20, 2014

Waddani oo Tacsi ka diray Geerida Chief Caaqil Hadoodil


Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI isaga oo ka tiiraanyeysan Shilka ku dhacay waftigii Maxadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ee booqashada ku marayey gobolada dalka Jamhuuriyada Somaliland.




Xisbigu isaga oo ka murugaysan geerida ku timid Chief caaqil Cabdi Hadoodil wuxu tacsi  u diraya waftiga Madaxweynaha iyo elehadi iyo qaraabadi uu ka baxay marxuumku iyo ummada Somaliland.




Sidoo kale xisbigu wuxuu u ducaynayaa in illaahay caafimaad degdega ah siiyo wasiirada ku dhaawacmay shilkaas.




Alla Mahad leh




 




Md. Cabdi Raygal Beegsi




 




Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI




 




Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 4aad