Thursday, March 20, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Hargeysa soo gaadhay


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland ayaa soo gaadhay Caasimada dalka, waxaanu soo dhamaystay safar shaqo oo uu ku soo maray Gobollada dalka.




Magaaladda Hargeysa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay weftiga oo intii ay dhexda ku soo jireen Shil baabuur ku dhacay .




Ka hor intii aanu u soo gudbin dhinaca Hargeysa waxa uu Cisbitaalka Berbera ku booqday afar xubnood oo weftigiisa ka mid ahaa oo Dhaawacyoka soo gaadheen Shilka.




Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo dadweynaha Reer sheikh goob fagaare ah kala hadlay “Sheikh waa magaaladaan wax ku bartay , waa magaaladaan ka Guursaday waa magaalo Taariikh weyn leh”ayuu ka sheegay goob fagaare ah  oo Sheikh ku taala.




Dadweyne tiro badan ayaa Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay weftiga Madaxweynaha, kuwaasoo kaga hortegay meelo ka baxsan Magaaladda,




Madaxweyne Siilaanyo, ayaa socdaal shaqo ku soo gaalaa bixiyay Gobollada Awdal, Gabiley iyo Selel oo dhinaca Galbeedka ah iyo Saaxil, Sanaag, Saraar iyo Togdheer oo Bariga ah, laakiinse muu gaadhin Gobollada SOOL, BUUHOODLE, DAAD-MADHEEDH iyo HAWD toona.




La soco warkan o faahfaahsan…