xukuumadda iyo Shacbiga iyagaa Dhulka dawladda iyo Dhismeyaasha ku Takri fal badan?warbixin
Wasiirka Hawlaha guud oo wareegtadii Madaxweynaha mid la mida ka soo saaray ku takri falka Hantida ma guurtada ah ee dawladda.akhri wareegto iyo warbixin dheeraad ah
Hargeysa(GNA)-Wasiirka Hawlaha Guud ee Xukuumadda Somaliland ayaa soo saaray wareegto uu dawladdaha hoose kaga madnuucayo bixinta Dhulka Danta guud ah iyo wareejinta Guryaha Dawladda.
Talaabadan ayaa ka dambeysay dhawr maalmood ka hor markii Madaxweyne Siilaanyo Guddi wasiirro ah u saaray dib ugu soo celinta Hantida Dawladda, gaar ahaan Guryaha iyo Dhulka oo uu sheegay in la bililiqaystay.
Nuqul ka mida wareegtada uu soo saaray oo Warbaahintu heshay ayaa lagu xusay laba qodob oo lagu madnuucayo in dawladda hoose wax shaqo ah ku darsato dhulka danta Guud ah ee dadweynaha laga jaray iyo inaan sifo ka baxsan maamulka dawladda loo isticmaali Karin Guryaha Dawladda.
qoraalka ayaa lagu yidhi sidan: Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Guryaynta iyo Gaadiidka ahna guddoomiyaha guddida qaranka Naqshadaha guud iyo guddoomiyaha guddida dib usoo celinta gacan ku haynta iyo ku tasarufka dhulka iyo Guryaha Dawladda.
Markuu Arkay: qoddobka Sadexaad, afraad iyo shanaad ee Xeerka Dhulka Xeer No: 17/2001o
Markuu arkay: Qoddobka 8aad ee isla Xeerka Dhulka oo qoraya jago bixinta ka reebanm dawladaha hoose faqradiisa 1aad oo u dhigan sidatan(maamulkaDawladaha hoose wax aka reeban in ay bixiso dhul ku yaala meelaha Macdanta, Dhul beereedka, xeebaha iyo meelaha Danta Guud loo qorsheeyey) iyo faqradiisa labaad.
Markuu arkay: qoddobka 43aad ee Xeerka ismaamulka Goboladda iyo Degmooyinka dalka jsl faqradiisa ee qeexaya wax aka reeban inay saxeexaan documnty la xidhiidha
Bixin dhul
Waxa ka reeban Dawladaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha.
In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha Dawladda sida ku cad wareegya madaxweynaha jsl ee dibu sioo celinta iyo gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda cidii ku cada arrimaha qoddobkan ku qoran kuma yeelan doonto xukuumadda Mag-dhaw
Qoraalkan oo dhaqan galaya maanta oo uu saxeexay wasiirka WWH/G/ G waxa lagu wargelinayaa hay’addaha dawlada ee ay khusayso iyo mulkiilayaasha beeraha in ay dhawraan isla markaana sharciga iyo xeerarka dalka u yaala.

Maxaa sababay go’aamadda Xukuumaddu qaaday?
Boob ba’an oo shacbigu ku hayaan Dhulka dawladda dhexe maamusho oo marxalad xaasaasi ah gaadhay Magaalooyinka qaar iyo Hunguri dawladda kaga jira inay meel ku hubsato baaqiga hadhay, ka dib markii ay bixisay dhul badan oo istaraatiiji ahaa, ayaa loo aananayaa inay ka dambeyso go’aamadan ka soo baxay Madaxweynaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud.
Sharci la’aan iyo ciqaab la’aan
“Markaad maanta soo qabato Qofkii Guri dawladdeed ama dhul dawladdeed ku takri falay berry ayaa la soo deynayaa, wax maxkamad ah oo la saarayaana ma jirto, markaa waad daalaysaa”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Isu-duwaha wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka Togdheer Xasan Caano kariye.
“markaa waxaa loo baahanyahay in la sameeyo sharcigii lagu ciqaabi lahaa qofka sifo khaldan u isticmaala Guri dawladdeed , intase taasi dhimantahay wax laga qaban karayaa ma jirto, waayo qofkii aanu maanta soo qabanay ama xidhnay berri ayaa la soo daynayaa, maxkamadduna waxay ku ciqaabaaan ma hyaan”ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Caan-kariye.
Arrinta ciqaab la’aanta dadka ku xad gudba Hantida dawladda ayaa ah mushkiladda ugu weyn ee sababtay in lagu takri falo.
Hase ahaatee waxaan meesha ka madhanayn iyaduna maamul xumada Hay’adaha dawladda ee ka masuulka ah iyo dawladda oo iyada lafteedu si fool xun u faasaxda ama dad gaar ah u siisa Dhulka iyo goobaha kale ee Guryuhu ka dhisan yihiin.
Burco
Inkasta oo Magaalada Burco dhul badan oo dawladdu leedahay gacanta ka baxay, hadana waxa ugu daran oo si badheedh ah loo bililiqaystay Dhulkii qaybta Bilayska ee Gobolka, xafiisyo Gobolku lahaa iyo Kaalmo dawladdu leedahay oo Badhtamaha Magaalada ku yaalay.
Hargysa
Magaalada Hargeysa, dawladda ayaa dhawr bilood ka hor bixisay Dhulka ay ka dhisanyihiin Boostii hore iyo Maktabadda Gandy oo dhinaca ku haya labadooduba Saldhiga dhexe ee Caasimadda.
Sidoo kale waxa beryahan dambeba socday qorshe la doonayo in lagu iibiyo Dhismaha iyo Dhulka Xanaanada dhexe iyo xafiiska Gobolka ee wasaarada Caafimaadka, halkaasoo lacag badan dawladda lagaga baayacay.
Magaalooyin kale oo Berbera ay ka mid tahay ayaa iyagana laga bixiyay Dhul dawladdeed oo lama taabtaan ah , kaasoo dawladdu si badheedha ruqsado ugu samaysay dad shacab ah oo ganacsato u badan.
Muxuu noqonayaa xalku.
Xalka ayaa u muuqda laba arrimood, kuwaasoo kala ah in la sameeyo xeer dhamaystiran oo lagu xafidayo hantida ma guurtada ah ee dawladda iyo inay Xukuumaddu joojiso qaabka guracan ee ay u bixiso Dhulka, isla markaana hadii Dhul dawladdeed la iibinayo nidaam waafaqsan xeerkaas lagu fasaxo.
Lana mariyo iib geyntiisa Guddida qandaraasyada qaranka.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com