Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa soo barbareeyay xiddiga Liverpool Luis Suarez tartanka gooldhalinta Yurub ee European Golden Shoe ka dib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay axadii 3-0 kaga badiyeen Levante.
Suarez ayaan ciyaarin isbuucaan madaama Liverpool aysan dheelin Premier League iyadoo saaxiibkii Daniel Sturridge uu isna kaalinta afaraad ku jiro.
Dhanka kale, xiddiga kaalinta 3aad Diego Costa ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto kulankii ay Atletico 2-0 kaga badisay Celta de Vigo isagoo weli leh xilli ciyaareedkan 21 gool.
Zlatan Ibrahimovic, Alfred Finnbogason iyo Jonatan Soriano ayaa dhamaantood wada leh 34.5 dhibcood ka dib usbuuc ay shabaqa soo taabteen, Ibrahimovic iyo Finnbogason ayaa min gool dhaliyay halka Soriano uu labo gool dhaliyay.
Xiddiga Bayern Munich Mario Mandzukic ayaa ku cusub 10ka ciyaaryahan ee ugu sareeya gooldhalinta Yurub ka dib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay Bayern Munich 6-1 kaga badisay Wolfsburg.
Sidee U Shaqeysaa Dhibcaha Kabta Dahabka Yurub:
Horyaalada Ingariiska, Spain, Talyaaniga iyo Jarmalka gool kasta oo laga dhaliyo waxa uu u dhigmaa labo dhibcood, halka horyaalka France, Holland, Austria iyo kuwa kale oo badan ay iyadana gool kasta oo laga dhaliyo u qalmaan 1.5 dhibcood, inta soo hadhayna gool kasta waa hal dhibic.
# Magaca Koox Horyaal Miisaanka Goolasha Goolal Dhibcaha
1 Luis Suarez Liverpool ENG 2 24 48
= C. Ronaldo Real Madrid ESP 2 24 48
3 Diego Costa Atletico Madrid ESP 2 21 42
4 Daniel Sturridge Liverpool ENG 2 18 36
5 Z. Ibrahimovic PSG FRA 1.5 23 34.5
= A. Finnbogason Heerenveen NED 1.5 23 34.5
= J. Soriano Salzburg AUT 1.5 23 34.5
8 Alexis Sanchez Barcelona ESP 2 16 32
9 Mario Mandzukic Bayern Munich GER 2 16 32
10 Alan Salzburg AUT 1.5 21 31.5