Pages

Monday, March 24, 2014

Somaliland: Xidhiidhka naga dhexeeya Somaaliya aadbuu u wanaagsanyahay”.


Dr. Maxamed Xirsi: “wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaaliya waa talaabo wanaagsan oo isfaham iyo midnimo lagu gaadhi karo”Waraysi




Maxamed Biixi Yoonis: cilaqaadka somaliland iyo dalka somaliya aad iyo aad ayaa u wanaagsanyaha waliba”




“Wali labada dhinac isuma arkaan labada dal oo kala madaxbanaan?Warbixin GNA




Wasiirka-arrimaha-dibadda5-300x281Hargeysa(GNA)-“somaliland iyo qaramada midoobay waxa dhibaato ah oo dhex yalaa ma jiraan somaliland sidaad la socotana waa wadan xor ah oo saxaafadiisu ay tahay mid aan la cur duduubin waxa khilaafina nama dhexe yalliin”sidaasi waxa Shir jaraa’id ku sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Saxaafadda la hadlay.




Wasiir Biixi markii ugu horaysay si furan uga hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, oo ay wali wadahadalo u socdaan, waxaanu sheegay in xidhiidhka labada dal aad u wanaagsanyahay.




 “Madaxwaynahu waxa uu u magacaabay afar wasiir oo aan anigu guddoomiye u ahay markaas cilaqaadka somaliland iyo dalka somaliya aad iyo aad ayaa u wanaagsanyaha waliba waxaanu rabnaa inaanu intaas kasii xoojino madaamo oo aanu nahay dal jaar ah”ayuu sheegay.




Isagoo u hadlaya sidii Wasiirka Maal-gashiga.




Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tilmaamay inay wasaaraddiisu qaabilsan raadinta maal-gashiyadda Caalamiga ah iyo soo dhaweynta daneeyayaasha arintaasi.




Isagoo u hadlaya sidii uu yahay Wasiirka Maal-gashiga dalka, waxa uu sheegay in raadinta Maal-gashi caalami ay ka mid tahay sababaha loo doortay hogaanka dalka




“Dhaqaalaha iyo shaqo raadiska kolay aniga ayey isoo maraan anigaana ka masuul ah marka uu dal doonayo inuu somaliland maal gashado halka ugu horeysa ee uu soo maraa waa aniga.




“ markaas dabcan inaan sii kobciyo waa masuuliyad aad iyo aad inoo saaran waana nagu waajib waxaana weeyaan waxa naloo doortay”.




Ismaan dhaaf hore Somaliland iyo Somalia




Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii xornimaddeeda kala soo noqotay midnimadii ay la gashay Somalia, waxaana tan iyo wakhtigaasi  u dhexeeyay ismaandhaaf ka taagan gooni-isu taaga Gobollada Waqooyi, taasoo dhinaca Koonfurta ah arrin aan maamuladii soo maray marna garowshiyo ka bixin.




Hase ahaatee wadahadalo labadii sanadood ee ugu dambeeyay u bilaamay labada dhinac oo aan wali lagu soo qaadin arrinta gooni-isutaaga Somaliland, ayaa u muuqda kuwo layskaga soo dhawaaday sidii wakhtiyadii hore oo ahaa xaaladdo aad u kagan.laba madax




Xeel-dheerayaasha Arrimaha siyaasadda Somalia ayaa si weyn u soo dhaweeyay wada hadaladaasi, hase yeeshee kuwa dhinac midnimada Soomaaliya u janjeedhaa sheegaya in midnimadu Muqadas tahay, loona baahanyahay in lagu saleeyo.DSC00028




“wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaaliya waa talaabo wanaagsan oo isfaham lagu gaadhi karo, waxaana xaqiiqo ah in wada hadaladu sii soconayaan, waxyaabo kale oo badanina jiraan oo ay labada dhinac isla ogyihiin”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Dr. Maxamed Xirsi Ducaale oo ah Khabiir siyaasadda Somalia ku soo jiray soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay, xilal kala duwana ka soo qabtay Maamullada ka jira iyo kuwii soo maray.




Si kastaba ha ahaatee hadalka Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ka soo baxay ee la xidhiidha cilaaqaadka u dhexeeya labada waddan ayaa u muuqda mid ka horka dhac ah oo aan la joogin xili ay labada dhinac isu arkaan laba dal oo kala madaxbanaan.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)Somaliland-and-Somalia-Flags-1




Gobanimonews




Hargeysa Office




curad1986@hotmail.com




Email: editor@gobanimonews.com