Burco(GNA)-Waxa Maanta Magaalada Burco si heer qaran ah loogu aasay Marxuum AHN Maxamud Maxamed Jamac (Gaadhijiid) oo ka mid ahaa Odayaasha Miisaanka ku leh Goboladda Togdheer iyo Sanaag.
Marxuum Gaadhi-jiidh ayaa door weyn ka soo qaatay dib u dhiska Somaliland ilaa xiligii gooni-isutaaga, waxaanu ahaa Guddoomiyihii Shirkii Beelaha Bariga Togdheer ee Gar-adag.
Marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Xubno ka mida Golaha Wasiirrada, Hogaanka Xisbiga talada haya, madaxdhaqameedyo, Culimo awdiin, Maamulladii u kala dambeeyay Gobolka Togdheer iyo dadweyne kale ayaa ka soo qayb-galay aaska Marxuumka.
Wasiirada Duulista, Ciyaaraha, Macdanta, Wasiirul dawlaha Waxbarashada iyo Wasiirul Dawlaha Maaliyada, ayaa ka mid ahaa Madaxda ka qayb gashay aaska.
Qaar ka mida dadkii aqoonta u lahaa oo hadlay aaska dib ayaa ka shakeeyay Taariikh nololeedka marxuumka qofba intuu ka yaqaano.
Mid ka mida dadkii ay isugu dhawaayeen ayaa sheegay inuu ahaa Ardaygii ugu horeeyey ee la qorey Dugsiga caanka ah ee DAYAXA, isla markaasna ahaa shakhsi aqoonyahan ah, wax bandanna ka soo qaybqaatay dib u dhiskii iyo xorayntii Dalka.
Alle ha u naxariistee waxay marxuumka Walaalo ahaayeen Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jamac iyo dad kale oo haldoor ka ah arrimaha samo-falka iyo Bulshada ee Somaliland.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office