Hargaysa (GNA)Wasiirka wasaaradda dhalinyradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta ka qeyb galay shir halweed gudidda xidhiidhka kubbada Cagta Somaliland ku soo bandhigayeen shuruucda kubbada Cagta oo ku meel gaadh ah.
munasibadaasi oo ka qobsontay xarunta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha waxa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, agasimaha waaxda ciyaaraha, gudidda xadhiidhka kubbada Cagta iyo kooxaha heerka koowaad iyo musuuliyin kale.
Shirkan oo lagu naaqishayay shuruucda ku meel gaadh ah ee ciyaaraha, ayaa waxaa ugu horayn halka ka hadlay Sacda Maxamed Shirre oo ah xoghayaha xidhiidhka kubbada Cagta ee Somaliland oo sheegtay in uu yahay kulankani mid mihiim u ah kooxaha kubbada Cagta.
Guddoomayaha xidhiidhka kubbada Cagta C\laahi Khayre Gacal oo isna halkaasi ka ahdlay waxaa uu sheegay inay yihiin guddi ku meel gaadh ah intii ay jireene ay qabteen waxyaabo badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin shuruucda maanta laga hadlayo iyo arrimo kale.
Agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed oo isna halkaasi ka ahdlay ayaa dhankiisa sheegay in loo baahanyahay inay dhaqan gasho waxyaabaha ka soo baxay kulankani, waxaanu intaasi raaciyay in wax laga bedeli karo waxna lagu dari karo.
Agsimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabaye oo isna halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in la kala xadaynayo kooxaha kubbada Cagta, iyadoo la raaci doono shuruucda caalamiga ah ee u dejisan ciyaaraha.
Wasiirka Wasaaradda ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal oo gebagebada kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa u hambalyeeyay gudidda xidhiidhka kubbada Cagta mudadii yarayd ee ay jireen hawsha ay qabteen, taasi oo ah mid aad u mihiim ah, waxaanu sheegay wasiirku in uu la shaqayn doono ka wasiir ahaan gudidaasi.
Gobanimonews
Hargeysa Office