Bali-Gubadle (GNA)Ayaa ku habsaday deegaamo badan oo ka mida Gobolka Hawd ee Somaliland.
Ayaxa ayaa la sheegay inuu si aad ugu fidiyo dhulka Xoolo daaqeenka ku wanaagsan ee Gobolka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Beeraha Somaliland oo la xidhiidha dhibaatada ayaxani ku hayo nolosha Deegaanka, khaasatan Dhulka xooluhu daaqaan oo uu si xoogan u xaalufiyo.
Hase ahaatee Mayaarka degmadda Bal-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac oo u waramay Wakaaladda Wararka ee Dawladda ayaa Sheegay in Ayax aad u Fara Badan oo Guuraya uu ku Habsaday deegaamadda kala ah Gumar, Bali Cabane iyo Deegaamo kale oo ka tirsan gobolka Hawd.
Waxaanu tilmaamay in Ayaxaasi oo guuraya ka yimid dhinaca galbeed ee gobolkaasi, isla markaana u guurayo dhinaca jihadda barri.
Cabdi Iimaan Jaamac maayarka magaaladda Bali-gubadle, waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin ilaa hada wax dhibaato ah oo uu Ayaxani gaadhsiiyay deegaamadda uu ku habsaday, balse uu yahay mid geedi ah.
Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa dhawaan ka hadlay Ayax ka dilaacay deegaamo badan oo ku teedsan Xeebaha Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxaanu sheegay in deegaamadaasi laga fuliyay hawlo qiimeyn ah oo lagu daraaseynayay baaxadda uu leegyahay iyo Waxyeelada uu sababi karo.
Hase ahaatee ma jirto ilaa hada wax talaabo ah oo ay qaaday Xukuumadda Somaliland tan iyo markii Cayayaankani dilaacay, iyadoo Bulshadu si weyn isu waydiinayso sababta wax looga qaban waayay, isla markaana loogu daawanayo dalka.
“Cidina wax ka qaban maysee inay hay’addaha ku dawarsadaan ayuunbay doonayaan, hadii Hay’aduhu waxba u dhiibi waayaana waxay qabanayaan ma jirto waxaynu nahay umad kalsoonidii laga qaaday oo cid kale uun wax ka sugaysa”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida Dadka arrintan dawladda ku dhaliilaya.
Waa markii labaad ee Ayax lagu arko Dhulka Somaliland afartii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaanu sanadkii 2009-kii ka dilaacay Deegaamo badan oo dhaca Dhul-daaqsimeedka Goboladda dalka ka mida.
Ayaxan ayaa la aaminsan yahay in uu ka dhashay Roobabkii waaweynaa ee sanadkii hore ka da’ay Guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, waxaana dadka aqoonta u leh arrimaha Deegaanku ka digayaan inuu ayaxaasi ku fido gobolka Geeska Afrika oo dhan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com