Pages

Wednesday, March 19, 2014

Somaliland: Wariyeyaal Ganaax lacageed lagu furtay iyo Wargeys wali Xayiran


Hargeysa (GNA)Saxaafada Somaliland ayaa maalin saddexaad  Bixisay hal Milyan iyo Siddeed Boqol oo SLSH oo Ganaax ah,taasoo ay maxkamadu ku xukuntay saddex wariye bishii la soo dhaafay.




Suxufiyiinta ayaa lagu eedeeyay  inay abaabuleen Cabasho koox suxufiyiintaasi ku jireen ku muujinayeen Xayiraada wali saaran Wargeyska Hubaal.




Xukunka Ganaaxa ayaa ka dambeeyay xadhig  ay xukun Rumaan ah muddo todobaadyo ah ugu xidhnaayeen Saldhiga dhexe ee Caasimadda.




Lacagta Ganaaxa ah ayey Saxaafada Somaliland bixisay ka dib markii ay Xeer ilaalinta Gobolka Mararoodi Jeex ka noqotay Rafcaan ay doonaysay in ay ka qaadato Xukunka maxkamada oo ay saluugtay  iyadoo xeer ilaalintu doonaysay in xukun ciqaab ah maxkamadadu ku rido  Suxufiyiintaasi la ganaaxay.




Suxufiyiinta ayaa soo dhaweeyey Ganaaxa maxkamadu ku xukuntay maadaama ay inta badan uga barteen xukuno ciqaab  ahaan jiray oo ay tixgalin jireen  garsoorayaashu eedaha ay xeer ilaalintu u soo gudbisato, Suxufiyiinta la ganaaxay ayaa markii hore xabsiga la dhigay hase yeeshee xukuumada ayaa maalintii xuquuqal insaanka ka hor damiin ku sii daysay,  waxaanay makamadu dacwadooda waday iyagoa oo babanaanka jooga.




Milyan iyo sideeda boqol ee lagu xukumay siddexda saxafi ayaa midkiiba lagu xukumay lix boqol oo kun oo shilling.




Wariyeyaasha Ganaaxa lagu xukumay ayaa kala ah:




Siciid Khadar (Ex Madaxii hore ee wararka Telefishanka Bulsho).




Cabdisalaan cabdirashiid




cabdi casiis bashiir nuur.




Halka Xasan Maal Dhidar oo  wariyeyaashan la xidhnaa Maxkamaddu wax dambi ah ku wayday, sida xukunka lagu xusay.




bixinta Ganaaxa  Wariyeyaasha lagu xukumay ayaa ku soo beegmaysa xili wali xukuumadda uu u xayiranyahay Wargeyska Madaxbanaan ee Hubaal, kaasoo aan la garanayn sababta uu u xayiranyahay iyo cidda haysata toona.




Xafiiska Wargeyska ayaan dib albaabada loogu furan tan iyo markii ay Ciidamo RRU iyo SPU isugu jiraa la wareegeen bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii la soo dhaafay.




Ma jirto wax dacwad ah oo Maxkamad lagaga soo oogay oo ku saabsan kiiska loo haysto hadiiba uu jiro, taasi waxay bulshada ku tahay su'aal jawaabteeda hadii laysku dayo in laga jawaabo Eeddi kaaga imanayso.




Waayo waxa eedda cida haysta Wargeyska lala xidhiidhinayaa xubno ka mida qoyska Madaxtooyada oo aanay qaarkood door Dastuuriya ku lahayn Maamulka Dawladda, taasoo waji kale u bedeshay dariiq kasta oo dawladda loogaga dacwoon lahaa xayiraada wargeyska.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com