Reer Sool iyo Degmooyinka Koonfurta Gobolka Togdheer oo Isha ku haya halka uu madaxweynuhu uga gudbo Burco..Ma Oodweyne mise Sheikh mise...?
Madaxweynaha oo Reer Burco kulan caweysyo la qaatay + Khudbadii uu ka jeediyay Gar-adag iyo Ceel af-weyn
Burco(GNA)-Madaxweynaha Somaliland iyo wefti hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Maanta soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Todheer.
Weftiga ayaa socdaal ku soo maray degmooyinka u dhexeeya Ceerigaabo iyo Burco ee Goboladda Sanaag iyo Togdheer.
Degmooyinka Ceel-afweyn , Gar adag, Caynaba iyo Oog ayay kula hadleen dadweyne ku soo dhaweeyay.
Degmada Ceel-weyn ayaa Madaxweynaha lagu guddoonsiiyay Shahaado sharaf, halka marwadiisana Haweenka Degmadaasi ku maamuuseen Fujaano nooca xeedhada ah.
Khudbaddihii uu ka jeediyay Ceel-weyn iyo Gar-adag
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dadweynaha reer Ceel afweyn khudbad u jeediyay ayaa u jeediyay horayn uga mahad celiyay shacabka ku nool degmadda Ceel-Afweyn sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu sheegay in baahiyaha kala duwan ee ay tirsanayso degmaddu inay xukuumad ahaan intii awoodooda ah wax kala qaban doonaan.
Waxaanu yidhi “Waxaanu idiin cadaynaynaa in aanu anagu dhinacayaga aad meel weyn nagaga taalaan, in aad tihiin dad aanu qiimo iyo sharaf weyn u hayno, Wixii aanu hore idiinku balan qaadnay, imikana aanu idiin balan qaadaynaa in aanu wixii karaan kayaga ah ka qabano baahiyahaasi kala duwan ee aad sheegteen, Ceel afweyn markasta oo aan imaado waxyaabo farra badan ayaa la igala hadlaa, oo ah baahida taala Ceel Afweyn, waad og tihiin dalkeenu waa dal soo koraya, waana dal aduunka aan gacan ka helin, waxa uu haysto uu illaahay ugu mahad naqayo, laakiin wax aan mar qudha wadanka wada gaadhaynin weeyi, tallaabo tallaabo ayaynu qaadaynaa, oo aynu u samaynaynaa marba wixii aynu qaban karno ayaa na aynu qabanaynaa, oo aynu ku soconaynaa”.
waxa kale oo uu sheegay madaxweynuhu in ay xukuumad ahaan gobolka Sanaag u wadaan mashruucii ugu waxtarka weynaa ee abid soo mara, kaasi oo ah dhismaha wadadda isku xidhaysa magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo hada si rasmi ah loo bilaabay. waxaanu u soo jeediyay bulshadda ku nool Ceel-afweyn in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaasi.
isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu u soconay waa wadadaasi Ceerigaabo, wadadaasina waa mid isku xidhaysa qaybo badan oo dalka ah, waa mid dalka fur-furaysay, waana mid waxyaabo badan oo ummadu u baahan tahay u soo kordhinaysa weeyi, wadadaasi Ceerigaabo culays aad iyo aad u weyn ayaanu saarnay, waxaananu doonaynaa in aad qayb Libaax ka qaadan doontaan, sidii aad horeba uga qaadateen ee xoolaha nool iyo hantida kaleba aad ugu bixiseen”.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa sheegay in debaal dega 23-guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland ee 18-ka bisha May, uu hal ku dhigeedu noqon doono sidii dhaqaale loogu ururin lahaa jidka Ceerigaabo.
Dhinaca kale madaxweynaha iyo weftigiisu waxay kormeer ku tegeen degmadda Gar-adag, iyada oo halkaasina ay kala kulmeen soo dhawayn aad u balaadhan oo ay u sameeyeen bulshadda ku dhaqan degmadaasi, Madaxweynaha oo halkaasi hadal uga jeediyay dadweynahaasi ayaa uga mahad celiyay sida balaadhan ee ay u soo dhaweeyeen.
qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka ku dhaqan degmadda Gar-adag oo iyagna halkaasi ka hadlay ayaa u sheegay madaxweynaha in ay baahiyo kala duwani haystaan, waxaanay xukuumaddana u soo jeediyeen in ay wax ka qabato baahiyahaasi.
waxaanu sheegay in degmadda Gar-adag ay taariikh ku leedahay. isaga oo tilmaamay in ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan baahiyaha kala duwan ee ka jira degmadda Gar-adag, Waxaanu yidhi “Ma aha markii iigu horaysay oo aan Gar-adag imaado, markii aan ololaha doorashadii madaxweyne-nimo ku jiray ayaan halkan imid, wakhtigaasi oo si fiican la iigu soo dhaweeyay taageero farra badan ayaanu shacbiga ka helnay, abaalna waan u hayaa, halkana (Gara-adag) waxaanu diyaar u nahay in iyadna wixii dalka laga qabto aanu u qabano, wixii waajibaad dawladnimo ah ee naga saarana aanu hor mood ka noqono, oo baahiyahaas ay dadku noo sheegteen, waanu qoranay, waananu qaadanay, wixii aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa insha allaahu tacaalaa”.
Waxa kale oo uu tilmaamay madaxweyne Siilaanyo in guud ahaanba goboladdda dalka ee ay kormeerka ku soo mareen inay ku soo ogaadeen baahiyo tiro badan oo ka jira, isla markaana ay xukuumaddu intii karaan keeda ah aanay waxba ka hagran doonin. “Safar dheer ayaanu soo galnay, kaasi oo aanu dalka ku marnay, waxaanan safarkaasi ula jeednaa in aanu ku ogaano baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira, runtii baahiyaha dalka ka jiraa aad iyo aad ayay u farra badan yihiin, intii aanu maraynay oo dhan, meel walbana waxaanu ka balan qaadaynay wixii aanu ka qaban karno in aanu ka qabano” ayuu yidhi Madaxweynuhu
Magaaladda Burco oo soo dhaweyntiisa gelinkii hore ee Maanta looga diyaar garoobay ayuu ku soo beegmay goor dambe oo galab ah, waxaana la sheegay inuu kulamo kala duwan la yeeshay caawa waxgaradka iyo Masuuliyiinta dawladda ee Gobolka.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu tegay ama socod ku maray goobo badan oo badhtamaha magaalada ka mid ah, iyadoo dadku ay dadkuna ku soo dhaweynayeen.
Maalinta Berri ayaa la filayaa inuu booqashadiisa togdheer si rasmiya u guddo galo, wallow warar duul duul ah oo caawa Gobanimonews ka heshay ilo-wareedyo ay sheegayaan inuu dad badan oo ka socda waayeelka Gobolka la kulmay.
Dhinaca kale, dhawaaqyo kala duwan oo lagu bogaadinayo safarkiisa Gobollada ayaa ka soo baxaya dadka Taageera Siyaasadda xukuumadda iyo Xildhibaanada Goileyaasha kala duwan, kuwaasoo dhawrkii cishee la soo dhaafayba warbaahinta ka soo gudbinayay fariimo ay ku boorinayaan socdaalka madaxweynaha ee Gobollada.
Magaaladda Burco ayaa ah Magaalo beryihii u dambeeyay kala qaybsanaan bulsho ka jirtay, isla markaana tabasho badan oo deegaamada dhinaca galbeedku ka qabaan xukuumadiisu soo ifbaxayeen afartii sanadood ee uu xukunka hayay.
Dadka ka faaloonaya imaanshiyaha madaxweynaha ee Burco, ayaa isweydiinaya in madaxweynuhu u gudbi doono dhinaca Gobolka Sool iyo in kale, taasoo ah dareenka ugu weyn ee hada taagan.
Wariyaha Gobanimonews ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in hadii uu Madaxweynuhu tegi waayo Gobolka Sool, isagoo soo wada maray dhamaan goboladdii waaweynaa ee kale ay taasi noqonaysa godob siyaasaddeed iyo mid hogaamineed oo uu ka galay mujtamaca ku nool Gobolka ugu xaasaasisan xaga siyaasadda ee xuduudka saaran.
Godobtaasoo abuuri karta inay dad badan oo siyaasadda xukuumada Kulmiye la dhacsanaa saluug qaadaan, isla markaana aragtida mucaaridka la qabsadaan, laakiinse ma kala cadda halka uu waajihi doono madaxweynuhu marka uu dhamaysto safarkiisa Burco.
Sidoo kale deegaamo badan oo dhanka Hawdka Gobolka Togdheer dhaca oo ay ka mid yihiin kuwa loo aqoonsaday Gobolka Buuhoodle ayaa si weyn isha ugu haya halka uu madaxweynuhu uga dhaqaaqi doono Burco, iyadoonay laabtooda ka madhnayn filashada inuu xagooda u kicitimo.

Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com