Pages

Wednesday, March 5, 2014

Somaliland: sugida Amniga ayaanu kala hadalnay Shirkaddaha Shidaalka baadhaya”


Hoos ka Daawo Wasiirka Shidaalka oo ka soo muuqda Shir afar Geesood ah oo ka dhacay DUBAI...




Dubai(GNA)- “Shirka aanu halkan u nimi (Imaaraadka), waxa weeye shir aanu u qabanay afarta shirkadood ee hawlaha shidaal baadhista ka samaynaya Dalka hadii alle ka dhigo sanadkan, oo aanu ka wada hadalnay hawlaha ka dhexeeya ee aanu dawlad ahaan kala shaqaynayno”sidaasi waxa sheegay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo waddanka Imarat-ka kaga qayb galay Shir Afar geesood ah todobaadkan.




Wasiirka ayaa sheegay in Afarta Shirkaddood ay ka mid yihiin DNO, Ras Gas iyo Genel Energy, kuwaasoo saddex ka mida fadhigoodu yahay Dalka isutaga Carabta.




“waxyaabaha aanu kala hadalnay waxa ka mida arrimo ay ka mid yihiin Nabad-gelyada, wacyi-gelinta iyo qolo waliba halka aanu doonayno inay wax ka bilowdo”ayuu yidhi.




Halkan ka Daawo:


http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=tl_tt7tnhMg


Shirkadda Genel Energy, ayaa sanadkii hore badhtamihiisii sababo dhanka amniga ah u joojisay qorshe la doonayay inay baadhis shidaal kaga fuliso deegaamo ka mida Gobolladda Togdheer iyo Saraar.




Shirkadda ayaa sheegtay inay dib u bilaabayso hawshaasi xili aan mucayim ahayn, ka dib wada hadalo dhex maray Xukuumadda.




Xukuumadda ayaa balan qaaday inay sugayso amaanka Goobaha laga baadhayo Shidaalka.




Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ayaa dhawaan laga soo xigtay in Ciidamo gaar ah loo samaynayo Mashaariicda macdanta iyo Shidaalka lagu qodayo.




Hase ahaatee Heshiisyada Shirkadahan ayaa wali waxa ka taagan muran sharci oo Baarlamanka ah, iyadoo dhawaan aqalka Golaha la soo doorto ee Wakiilladu Su’aalo ka waydiiyeen Heshiisyadan Wasiirka Wasaaradda.




Muranka dhinaca Sharciga ah ka sekow caqabadaha hawshan ka hor yimi waxa ka mid ahaa khilaaf bulshadu kala hor timi oo ay ku diidanaayeen xaalufinta Dhuldaaqsimeedka, iyadoo aan wax loo qabtay jirin dadyowga ku nool meelaha diirada hawl-galka Mashruucu ku waajahnayd.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com