Pages

Wednesday, March 5, 2014

Golaha Guurtidu Waa In uu Doorasho Kuyimaadaa..


 Golaha Guurtidu Waa In uu Doorasho Kuyimaadaa Sida Dastuurku Dhigayaayo Balse Waa In Hal Qodob Xal Loo Helaa




sida uu dhigaayo dastuurka JSL golayaasha sharci dejinta ee baarlamaanka iyo guurtida iyo sidoo kale Golayaasha deegaankuba waxay kuraasta ku imanayaan doorasho waafaqsan xeerka doorashooyinka ee X/lr/14/2011/Aug/20 sidaa daraadeed waxa waajiba in la soo doorto xildhibaanada golaha guurtida si ay u Maraan habkii sharciga ahaa hadaba waxa loo baahanyaha hal qodob in xal loo helo waanna lagama Maarmaan qodobkaas in la xaliyaa hadaba waxa laga yaabaa inaad iswaydiisaan waxan xalka u baahan Sida La wada ogyahay golaha guurtidu waa gole ka mudan golayaasha waa gole mus dambeed u ah dalka Waa Gole miisaan badan iyo qiimo wayn inoogu fadhiya waa gole meesha u fadhiya dejinta dalka waa gole Damiya shaqaaqooyinka isku dhacayda beelaha iyo kuwa siyaasiga ah-ba waa gole aan ku kala suntanayn Asxaabta qaranka oo aan gashanayn shaadh xisbi muxaafid iyo mucaarad kuu doono ha ahaadee




Waa gole sedexda xisbi midna aanu shirin karin oo ka awood badan waa gole cid waliba isu soo taagto Go.aankiisa




 




Hadaba marka laga hadlaayo arimiha doorashooyinka ee ku saabsan golayaasha ama kuraasta Miuhiimkaa Ee qaranka waxaa waajiba inay doorasho ku yimaadaan masuuliyiinta qabanaysaa waxa kaloo iyan Waajib Ah in masuul kasta oo u tartamaaya kuraasta qaranka ugu saraysa inuu xisbi magaciisa ku tartamo Sidaana Waxa dhigaaya xeerka doorashooyinka iyo nadaamka asxaabta qaranka hadab hadii uu m/weyne Baarlamaan iyo gole deegaan-ba soo maray habka nadaamka asxaabta ah ee doorashooyinka kuna Fadhiyaan kuraasta iyadoo mid waliba xisbi ka soo jeeddo oo uu siyaasadii xisbigiisa xambaarasanyahay




Ama uu ku hawlanyahay meel marinteeda




Suura gal matahay in golaha guurtida iyagoo xisbiyo isu eryanaaya ama xisbiyo kal ah ay soo fadhiistaan




Golaha taasi waxaan qabaa in ay wax wayn u dhimayso misaankii guurtida




Waayo imika xubin kasta oo ka tirsan aqalka golaha guurtidu waxa uu gashanyahay shaadhkii Qaranka JSL Balse marka xildhibaan kastaa uu soo qaato shaadh xisbi iyo xeer hoosaad xisbi oo uu difaaco xisbi waxa Run ahaantii meesha ka baxaysa difaacii qaranimada oo marka tusaale ay isku dhacaan golaha wakiiladu Sidii tii ugu dambaysay ee ayaamo ka hor ogaw golaha guurtidu sidii hore go.aan isku mida kama Qaadanaayo ee xildhibaan wal oo guurtiyi wuxuu raacayaa xildhibaankii xisbigisa ee golaha wakiilada Ufdhiyay taasina waxay keenaysaa halkii odayantinimada ay xisbi nimo inoo buuxiso waxan qabaa arintaasi inaanay ina dhaqayn marka loo eego dimuqraadiyadeena curdinkaa hadaba waxaan leeyahay Waa in aqoonyahanda sharciyahanada caqliyahanda iyo cid kastoo wax garadi ka fikirtaa sidii




Xeegana xeego u noqonlahayd ilakana u nabad geli lahaayeen waxan uga jeedaa waar ka fikira sidii Guurti Guurti u noqon lahayd xisbinimo-na looga badbaadin lahaa oo soo ban dhiga aragtidiina ku aadan arintaa Iyo xalinteeda .




by sacad cali kaahin Ramalay [sacad plucky]