Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa Maanta Aas-wadareed Qaran loogu sameeuau 44 qof oo ka mida Dadkii la xasuuqay 88-kii.
Lafaha dadka la xasuuqay ayaa lafahooda laga soo saaray meelo kala duwan.
Aaska dadka la xasuuqay ayaa ka dhacay dhacay Xabaalo ku yaala Magaaladda Hargeysa.
Saraakiil sar sare oo Dawladda ah ayaa goor sii horaysay sheegay in tirada dadku la xabaalayaa dhanyihiin 77, balse Madaxda dawladda ee ka qayb-gashay munaasibadda Aaska ayaa warbaahinta u sheegay 44.
Arrintan ayaa qayb ka ah baadhitaanka Xasuuqyadii dawladdii Siyaad Barre ka geysatay Gobollada Waqooyiga xiligii uu socday Dagaalku, taasoo khubaro Caalamiya dawladdu ugu yeedhay si ay qayb uga qaataan baadhitaanka.
Masuuliyiin ka socda Laamaha dawladda iyo khubaro Caalami ah ayaa ka qayb galay, waxaanay dhamaantood wax laga murugoodu ku tilmaameen gabood falka lagu laayay Dadka.
qaybtan ayaa noqoysa tiradii labaad ee dad Lafahooda laga soo Uruuriyay meelo si aan arxan ;lahayn loogu qariyay, waxaana sanaddo sii horeeyay Xabaalaha Maka Dur-duro lagu aasay kuw kale oo sidan oo kale loo helay.
Tani waa mid ka mid ah Raadad Muujinaya in Somaliland Xasuuq balaadhani ka dhacay, hase ahaatee wali Dawladda Somalida iyo Beesha Caalamku toona garowshiyo fiican kamay bixin, sida ay Masuuliyiinta Somaliland sheegeen.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com