Sunday, March 23, 2014

Somaliland oo Caddeysay inay Qaxoonti ka soo ceshanayso Ingiriiska


Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa markii ugu horaysay caddeysay inay dawladda Ingiriiska kala soo wareegayso dad sharci daro ku jooga oo waddankeeda u dhashay, sida uu sheegay Wasiirka Dib u dejinta Axmed Cabdi Kaahin oo maanta saxaafadda la hadlay.




Dadka la soo celinayo ayaa ah kuwo ka kaaftoomay degenaanshiyaha UK, kuwo sharciyadda loo diiday iyo qaar dambiyo galay, sida uu xusay Wasiirku.




Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ku sheegay in dadkaasi aan khasab lagu soo celinayn, balse ay dalabkooda ku xidhantahay.




“waxa lasoo celinayaa oo aan utagaynaa majiro,anagu casuumada ayaanu ka helnay wadanka igiriiska casuumadaasna waxa lagaga wada hadlayaa dadka iskood usoo noqonaya ee ka kaaftoomay dalka ingiriiska waxaanu usamaynaynaa dadkaas inuu dalka igiriisku waxa tar oo aanu magaalada kusoo daynin ee uu usameeyo shaqooyin”.




Axmed Cabdi Kaahin ayaa intaasi ku daray  “anagu cidna masoo celinayno siyaasada dawladuna sidaas maaha,ee dadka lasoo celinayo waxa weeyaan dadka dalka ingiriiska joogay sannado badan oo waayey basaboorkii dalkaas haday walib ogal yihiin weeyaan”.




Wasiirka dib u dejinta Somaliland waxa uu sheegay in qaar ka mida dadkaasi la soo xidhiidheen si loo soo celiyo.




“dadkaas iyaga ayaa nala soo hadla waxaana ay yidhahaan nagu soo celiya dalkayaga ee anagu cidna ma-qasbayno dalka ingiriiskana hadii ilaahay yidhaaho waxaanu u waydiinayna waxa ay ku shaqaystaan dadkaas inuu soo siiyo lakiin anagu waxaanu soo saxeexaynaa iyo dad aanu xoog kusoo celinaynaa majiraan  dhaqanka xukuumadana kuma jirto”.




Hadalka Wasiirka ayaa yimi saacado uun ka dib markii ay soo baxeen xogo tilmaamaya in Wasiirku heshiis dhanka soo celinta dadkaasi ah la soo gelayo Waddanka Ingiriiska, inkasta oo sida la sheegay ay isku khilaafsanyihiin dhigiisa arrimaha dibada.




 




Heshiis hore oo soo celinta qaxoontiga ah




 




Waddanka Ingiriiska ayaa noqonaya kii labaad ee heshiis lagu soo celinayo dad u dhashay Somaliland la gala xukuumadda, waxaana hore u jiray heshiis aan midho dhalin oo ay wada galeen Xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Dawladda Denmark dhawr iyo toban sanadood ka hor.




Waxaana heshiiskaasi Somaliland u saxeexay Wasiirkii dib u dejinta ee xiligaasi cabdilaahi Darawal oo markii dambe wasaaradda caafimaadka loo soo bedelay.




 




Hase ahaatee Heshiiskan cusub ayaa ku soo beegmaya xili ay waddamo badan oo Yurub ka tirsani raadinayaan cid kala xaajoota boqolaal u dhashay Somaliland oo sharci daro ku galay kuwaasoo lagu takooro inay ka soo jeedda deegaamo amaan oo aan qaxoonti ahaan loo qaabili Karin.




Damaanad




Sidaasoo ay tahay waa inay xukuumadda Somaliland damaanad ka bixisaa inaan heshiiskani saameynayn dadka noocaas ah iyo kuwa kale ee aan iyagu dalban in la soo celiyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com