Pages

Wednesday, March 19, 2014

Siyaasiyiin iyo Waxgarad Puntland ka soo Cadhooday oo Somaliland ku soo jeedda


Xukuumadda oo saddex Gaadhi iyo Lacag u balan-qaaday Wefti Buuhoodle ka yimi oo Hargeysa ku sugan iyo kuwo kale oo ka soo googoostay Garoowe markii saami siyaasaddeed loo diiday




Buuhoodle(GNA)-Wefti ka socda deegaanka Buuhoodle ayaa lagu waddaa inay dhawaan soo gaadhaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Gobanimonews.




Weftigaasi ayaa ujeedadda socdaalkoodu salka ku hayaa arrimo siyaasaddeed iyo sidii ay xukuumadda ugu muujin lahaayeen taageero ay siinayaan Somaliland, ka dib markii ay dhinaca Puntland kaga soo  hungoobeen saami qaybsi siyaasaddeed oo ay ka filayeen.




Waxaana la sheegay inay weftigaasi ka mid yihiin xubno siyaasiyiin ah oo dhawaan ka soo wareeragay dhinaca Puntland, ka dib markii maamulka Cabdiwali Maxamed  Cali Gaas talada la wareegay, kaasoo sida la sheegay ay ka waayeen saami qaybsi siyaasadeed.




Imaanshiyaha weftiga reer Buuhoodle oo maalmahanba deegaanka laga hadal hayay ayaan sida la sheegayo aan wax xidhiidh ah la lahayn Siyaasiga ugu miisaanka culus Bulshada Gobolkaasi ee Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay xidhiidh la soo sameeyeen aqalka Madaxtooyada iyo xubno ka mida Siyaasiyiinta dawladda ugu jira Goboladda Sool iyo Buuhoodle.




Dhinaca kale, waxa wali Magaalada Hargeysa ku sugan Odayaal iyo wax-garad dhawaan ka yimi  Deegaankaasi, khaasatan deegaanka Boocame iyo Widh-widh, kuwaasoo sheegay inay u yimaadeen sii ambo qaadista Gogoshii Madaxweynuhu u fidiyay Beelaha Bariga.




Ma jiro War rasmiya oo ilaa hada ka soo baxay kulan dhawaan weftigaasi la yeesheen madaxweyne Siilaanyo, balse  ilo-wareedyo madaxbanaan oo Gobanimonews heshay ayaa sheegay in Madaxweynuhu u balanqaaday saddex Gaadhi iyo kharash wanaagsan oo ay ku ambo baxaan.




Gawaadhida ayaa la sheegay in la siinayo xubno Madax-dhaqameed ah oo weftiga ka mid ah, kuwaasoo si gaar ah loogu maamuusay, halka xubnaha kale ee weftiga loo balan qaaday lacago ambo-bax iyo kharashaad ah.




Imaanshiyaha Weftiga ayaa hore khilaaf uga dhex abuuray Wasiirka Caafimaadka Saleban Xaglo-toosiye iyo Xukuumadda uu ka tirsanyahay, ka dib markii laga talo gelin waayay qaabilaada weftigan oo deegaanka uu metelo ka soo jeeda. Taasoo sababtay in ergo lad-qabo ahi kaga daba tagaan Magaalada Burco, halkaasoo uu ku tegay Socdaal lagu fasiray Cadho uu qaaday gacan-dhaaf uu ka tirsaday xubno ka tirsan Golaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo. Khilaafkaas oo markii dambe lagu dejiyey wada-xaajood ay qeyb ka ahaayeen xubno Wasiir ahi, ayaa la filayaa in Weftigan cusubi  dib khilaaf uga dhex dhaliyo dhinacyadii hore isugu maan-dhaafay arintaas.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com