Dhakhtar laga soo eryay Wadamadda oo doonaya inuu 17 Maalmood Geeska Afrika kaga Macaasho iyo Wasaaradda Caafimaadka oo Shurako la gashay..! Akhri Warbixin xaasaasi ah.
Hargeysa(GNA)-Maalmahan waxa shaashadaha Telefiishanada laga xayeysiinayay Nin Dhakhtar ah oo imanaya Magaaladda Hargeysa, kaasoo sida la sheegayo qaabilsan cuduradda Guud.
Dhakhtarkan oo markii hore fadhigiisu ahaa waddanka Jarmalka, balse dhawr sano ka horna xarun Caafimaad ka furtay Cariga Ingiriiska, ayaa dad badan oo Soomaaliyeed ka dayriyeen aqoontiisa Caafimaad, laguna tilmaamay Nin ku xoogsada xirfaddan oo aan badan u lahayn.
Dadka aqoonta u leh iyo kuwo adeegyo Caafimaad u doontay , ayaa la yaabay markii ay arkeen Dr Cali Macow oo sida Fanaaniinta looga xayeysiinayo Telefiishanada,isla markaana la leeyahay waxa uu muddo kooban adeegyo caafimaad ka qabanaya waddamada Somaliland, Killalka Shanaad ee Itoobiya iyo deegaamo ka mid ah Koonfurta Somaliya.
Dhakhatarka ayaa la sheegay inuu fadhiisan doono Farmasi ku yaala Suuqa Heegada ee Caasimadda Hargeysa, halkaasoo iminka dadka bukaan socodka loogu sii diiwaan-geliyo , iyadoo qofka laga qaado Tigidhka oo ah qudha lacag aad u badan.
Waxa la sheegay inay Imaanshiyihiisa Hargeysa Shuraako ku yihiin Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, khaasatan Wasaaradda Caafimaadka iyo shakhsiyaad kale oo ka Ganacsada Dawooyin la sheegay in dalka Jarmalka laga keeno, kuwaasoo qaarkood ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya .
Xogaha aanu ka helnay Ninkan dhakhatar waxay intaasi ku darayaan inuu ka mid yahay Shuraakadda Mulkiilaha Farmasi lagu magacaabo German Pharmacy(Somaliland), halkaasoo ah goobta loo cayimay inuu fadhiisan doono ama ku shaqaysan doono mudada uu Hargeysa joogo, iyadoo qorshaha ugu weyn ee uu fulinayaana ay tahay sidii Dadka bukaan Socodka ah ah loogu socodsiin lahaa Dawooyinka Farmasiga yaalla iyo dhaqaale raadis kale..
Sidoo kale Wararka amuurtan la xidhiidha ayaa lagu sheegay in kooxdani ay iibinta Dawooyinkan kusoo bandhigeen lacag qadarkeedu badan yahay , kuwaasoo markii hore u soo iib-geeyay Hargeysa, hase-ahaatee markii laga iibsan waayay doonaya inay ku socodsiiyaan farsamo dhakhatareedka Dr. Cali Macow oo hore Dhakhtarnimadiisa loogaga soo hungoobay dalalka Ingiriiska iyo Jarmalkaba, isla markaana laga mamnuucay inuu Wadamadaa ka sameeyo Daawayn Caafimaad, kadib markii Cabasho iyo shaki laga qaaday sheegadiisa ah inuu yahay Dhakhtar ku takhasusay dhamaan Cudurada Guud.
Wararka ku saabsan diyaar-garowga imaanshiyihiisu waxay intaasi ku darayaan in dad uga yimi meelo fog-fog, qaar Gobollada Somaliland iska soo diwaan-geliyay iyo kuwo caasimada degen halkan loogu diyaariyay, iyadoo warku intaasi ku darayo inuu 17 maalmood oo qudha joogayo.
Qaar ka mid ah shaqaalaha jooga xarunta dadka loogu diwaan-gelinayo ayaa Weriye ka tirsan Gobanimonews u sheegay in Dhakhatarku uu daaweynayo Xanuunnada guud dhan.
Mase jirto sida ilaa hada aanu xogta ku hayno wax adeeg Caafimaad oo dheeraad ah oo bixinayaa, kaasoo dalka baahi looga qabo oo aan laga helin Cisbitaaladda kala duwan ee dalka, balse buun-buunta xad dhaafka ah iyo iidhehda uu Warbaahinta gashaday u fududeeyeen inuu helo dad badan oo Bukaan jiif ah oo is-diwaan-geliyay.
Hase ahaatee waxay isweydiintu tahay sidee loogu kalsoonaan karaa tayadiisa dhakhtarnimo iyo daawooyinka Ganacsiga noqotay ee aan la marin nidaamka hubinta tayada Daawooyinka iyo Baddeecadaha (Grantees Office).iyadoo sida la ogyahay ay saameyn caafimaad daro oo kale ay bulshada qaarkeed ku keento tayo xumadda Daawooyinka la siiyo bukaanka iyo xirfad xumaanta Dhakhatarka.
Arrinta kale ee is weydiin mudani waxay tahay, Dalka masuulka ahaa adeegyadda Caafimaadka ma dano gaar ahaaneed ayay uga faa’iidaysteen Masuuliyadii ay hayeen, Sida wasaaradda Caafimaadka oo kale, taasoo u xilsaaran ilaalinta dhamaan adeegyada la xidhiidha Caafimaadka, laguna waajib yeellay inay ka hortagto xaalad kasta oo Khatar abuuri karta ama waxyeelo caafimaad bulshada soo gaadhsiin karta, sida tan oo kale.
Arrintan kale ee shakiga ku abuurtay bulshada qaarkeed waxay tahay isu dheeli tir la’aanta Muddada Dr. Cali Macow Aweys dalka joogayo iyo wakhtiga qof bukaan ah lagu dabiibi karo, maxaa yeellay? .waxa uu joogayaabaa la yidhi maalmo kooban Gobollada oo dhan, halka uu qofka jirani u baahanyahay wakhti dheeraad ah oo baxnaan caafimaad ah, si ay ugu suurto gasho inuu la tashi joogto ah la sameeyo dhakhtarkiisa. Dhakhtarkuna la socdo hadba xaaladda qofku halkay marayso.
Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo uu muuqata mid ka gaabisay gudashada masuuliyadii loo xilsaaray iyo Xulafaddeeda bahda Caafimaadka laysku yidhaahdo, ayaa looga fadhiyaa inay damaanad ka bixiyaan saameynta togan iyo ta taban ee ay sababi karaan Dhakhaatiirta Muqaawilka ah ee uu Dr. Cali Macow ka midka yahay ee dalka u imanaya xoogsiga aan xakamaha lahayn.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com