Pages

Saturday, March 22, 2014

Robin Van Persie Oo Ka Hadlay Xaaladiisa Iyo Hadii Uu Diyaar U Yahay Kulanka Manchester Derby


Jamaahiirta Manchester United ayaa ka walwalsan xaalada caafimaad ee weeraryahanka reer Holland Robin Van Persie kaas oo sariirta caafimaadka looga saaray garoonka intii ay socotay ciyaartii ay 3-0 kaga talaabsadeen kooxda Olympiakos ee ka tirsaneed Champions League.




 




Si Kastaba Xidigaan Reer Holland ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay inu wajaho kooxda Manchester City kulanka talaada labadaan kooxood dhexmari doona ee ka tirsan horyaalka Premier League.




 




Daily Mail ayaa goor sii horeysay shaki galisay safashadiisa Manchester Derby, balse waxaa la xaqiijiyay kaliya inuu seegi doono kulanka West Ham United ee sabtida balse uu wajahi doono wiilasha Manuel Pellegrini.




 




Si Kastaba hadlka kazoo yeeray ayaa niyad wanaagsan u yeeli doona Jamaahiirta Red Devils kuwaas oo ka walwalsanaa dhaawaca xidigaan waxaana warkaan uu kusoo aaday xili kooxda Man United ay kasii baxeyso niyad jabkii heystay madama ay u gudubeen wareega 8-da ee Champions League.