Pages

Monday, March 17, 2014

Reer Laasqoray oo Xukuumadda waydiistay waxtar oo Mucaawimo iyo Maal-gelin isugu jira.dhegeyso


IMG_1051   Laasqoray(GNA)-Hormuudka Bulshada ku dhaqan degmada Laasqoray ayaa Madaxweyne Weydiistay Lacag gaadhaysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu horumariyo Wershada Kalluunka ee Lasqoray, mid lagu baahi tiro Cisbitaalka Degmada oo aan cid gacanta ku haysa oo aan shacbiga ahayni jirin iyo inay xukuumaddiisu gacan ka geysatay dib u dhiska Dekedda qadiimigiga ah oo uu Madaxweynuhu dhagax dhigay.




 



IMG_2536



Madaxweynaha ayaa dhamaan baahiyaha Bulshada deegaanka mid mid u dhegeystay,




 



IMG_1903



waxaanu sheegay inuu wax ka qaban doono.




 



IMG_1061



“Madaxweyne waxaan kaa doonaynaa in naloo maal geliyo Wershadan oo lacag ilaa hal milyan oo Dollar ah dawladdu noo geliso, si ay horumarka Bulshada qayb uga qaadato”sidaasi waxa yidhi mid ka mida Ganacsatada sheerka ku leh Wershada.




Madaxweynaha ayaa dhamaan wixii ay shacbiga iyo waxgaradku waydiisteen kaga jawaabay “Gacanbaanu ka geysanaynaa Inshaalaah”.




IMG_2408




 



Waxaana Baahiyaha waxtarka loo waydiiyay ka mida Dekedda, Wershada, Cisbitaalka, Waxbarashada iyo dhismeyaasha Dawladda.




Halkan ka dhegeyso sida Madaxweynaha loogu sharaxay Duruufaha degmada Laasqoray iyo Jawaabta uu ka bixiya:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Laasqoray.mp3"][/audio]
 




 



IMG_1076