Laasqoray(GNA)-Hormuudka Bulshada ku dhaqan degmada Laasqoray ayaa Madaxweyne Weydiistay Lacag gaadhaysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu horumariyo Wershada Kalluunka ee Lasqoray, mid lagu baahi tiro Cisbitaalka Degmada oo aan cid gacanta ku haysa oo aan shacbiga ahayni jirin iyo inay xukuumaddiisu gacan ka geysatay dib u dhiska Dekedda qadiimigiga ah oo uu Madaxweynuhu dhagax dhigay.

Madaxweynaha ayaa dhamaan baahiyaha Bulshada deegaanka mid mid u dhegeystay,

waxaanu sheegay inuu wax ka qaban doono.

“Madaxweyne waxaan kaa doonaynaa in naloo maal geliyo Wershadan oo lacag ilaa hal milyan oo Dollar ah dawladdu noo geliso, si ay horumarka Bulshada qayb uga qaadato”sidaasi waxa yidhi mid ka mida Ganacsatada sheerka ku leh Wershada.
Madaxweynaha ayaa dhamaan wixii ay shacbiga iyo waxgaradku waydiisteen kaga jawaabay “Gacanbaanu ka geysanaynaa Inshaalaah”.

Waxaana Baahiyaha waxtarka loo waydiiyay ka mida Dekedda, Wershada, Cisbitaalka, Waxbarashada iyo dhismeyaasha Dawladda.
Halkan ka dhegeyso sida Madaxweynaha loogu sharaxay Duruufaha degmada Laasqoray iyo Jawaabta uu ka bixiya:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Laasqoray.mp3"][/audio]
