Muqdisho-(GNA)-Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya waxaa goor dhaweyd dib ugu soo labtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaaro oo muddo howlo shaqo uga maqna.
Garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdiso waxaa ku soo dhaweeyey guddoomiyaha baarlamaanka mas’uuliyin uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha shacabka Jeeylaani Nuur Ikar oo ku sime u ahaa,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,saraakiil iyo waxgarad.
Guddoomiye Jawaari oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,waxaa uu sheegay in safar toddobadyo qaatay uu dalka uga maqna,isagoona intaa raaciyey in socdalkiisa xilligaan uu kaga soo kicitimad dalka Kenya oo uu sheegay inay kula soo shiray mas’uuliyin kala gadisan.
Waxuu sheegay Jawaari in shir arrimo badan looga hadlay uu Nairobi kula qaatay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Kenya oo ay ka wada-hadllen xiriirka iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan.
Sidoo kale muadane Jawaari waxuu shegay in magaalada Nairobi uu kulasoo kulmay intabadan safiirrada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya waxyaabaha ay ka wada hadleenna ay aheyd sida ay dowladaha caalamku u xoojin lahaayeen taageerrada ay siinayaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya taasina ay ballan qaadeen, safarkiisana uu guud ahaan kusoo idlaaday guul.
Socdalka uu ku maqna guddoomiye Jawaari waxaa lugu sheegay inuu qeyb ka yahay iskaashiga la doonayo in baarlamaanka Soomaaliya uu la yeesha baarlamaanda caalamka.”






