Wednesday, March 5, 2014

Netanyahu oo Falastiiniyiinta ka codsaday Aqoonsi


netanyahu-at-aipac-2014-740x493Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu oo safar ku jooga dalka Maraykanka ayaa khudbad kasoo jeediyey shirweynaha AIPAC ee kooxda u ololeysa maamulka Yuhuuda.




Netanyahu oo shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Barack Obama ayaa la sheegay in laga codsaday inuu dar dar geliyo wadahadalka nabadeed ee bariga dhexe, isla markaana joojiyo qorshaha dhismayaasha cusub ee laga dhisayo dhulka laga boobo Falastiiniyiinta.




Maraykanka ayaa sheegay in aysan waxba ka qaban Karin culeyska Beesha Caalamka saareyso Isra’iil hadii aysan joojin dhul boobka ay ku wado deegaanada shacabka Falastiin doonayaan inay mustaqbalka ka dhistaan maamulkooda.




Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Isra’iil ay wax walba ka hormarin doonto amnigeeda, wuxuuna ugu baaqay Falastiiniyiinta inay aqoonsadaan Dowlada Yuhuuda.




“…Sida aan diyaarka ugu nahay inaan Aqoonsano dowlada Falastiin yeelato, waa in Falastiiniyiinta aqoonsadaan in dalka Isra’iil uu yahay wadanka Yuhuuda….” Ayuu yiri Netanyahu oo ka khudbeenayey shirweynaha kooxda AIPAC ee u ololeeya Yuhuuda.