Thursday, March 20, 2014

Muqdisho: Ugu Shan qof oo ku dhintay Shil Gaadhi


Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay , tiro kalena way ku dhaawacmeen Shil gaadhi oo maanta ka dhacay  Deegaanka Shiirkole oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ka dib markii gaari xamuul ah oo siday uu ku dhacay bulaacad ama musqul ku dhinac taalay wado uu marayey.




Dad  Goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in gaariga xamuulka iyo shamiintadii daadatay ay ku dul fariisteen qoys Guri dad ku jiraan oo musqusha duntay gurigay ku taalay.




 “Goobtan waxaa ka dhacay masiibo, ugu yaraan shan qof meydkooda waa la hayaa, qaar kale oo inay dhinteen looga cabsi qabana weli waxay ku hoos jiraan gaariga rogmaday iyo shamiintada ka daadatay” ayuu yidhi goob-jooge dhacdada ka hadlay.




Waa shilkii ugu khasaaraha badnaa bishan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.




Waxaana wali socda baadhista dad wali ku hoos jira Gaadhiga iyo Xamuulka saarnaa.




Gobanimonews




Muqdisho Office