Asalamu Calaykum Waraaxmatulaahi Waa Barakaatu Dhamaan Akhristaayasha Sharaafta leh.
Salaan Ka Dib waxaan jecelahay in aan Qormadani aan idiinku soo gudbiyo Anoo ku lafa guridoona isla markaana Aragti ahaan kaga hadlidoona dulucyo kala duwan ku waasi oo ku saabsan Halka ay ka qaloocsantahay Hogaankii Soo jireenka ahaa ee Soomaalida,kaas oo wakhti xaadirkan noqday mid aan kala soocnayn xadaaradii hore ee Dhaqanka Somalida iyo Hogaaminta jiilkan Cusub ee Xiliyadan danbe ay la soo daristay xaalado kala duwan ku waasi oo la xidhiidha xag siyaasadeed oo laaga faaiidaystay Bulshada ku dhaqan dhulka kala gadisan ee ay hada ka jiraan xukuumadaha jaar ka ah ee Af Ahaan.Diin ahaan,Dhaqan ahaan ay hayb wadaagtu ka dhaxayso.
Hadaba Waxaa ay ahayd noolosha somalidu mid ku dhisan qabyaalad iyo reereysi kaasoo ay kala lahaayeen madax dhaqameedo kala ah oday beeleed ,chief caaqil .caaqil,suldaan,garaad,isam.iwm.
Dadka ay xukumaanna waxay ay ku dhaqi jireen xeer jajab qodobeesan oo ay isla garteen hadba beelaha wada yaalla ee somalidu .
Dhamaan magacyadan aynu kor ku soo xunay waxaa la unkay xilliyadii guumasteyaashi ay deganayeen dhulka somalida ee wax xoriyad somalidu helin taaso loogu talo galay in ay kaga soo kabtaan xaaladihii coladeed ee qabiiladaas ka dhex aloosnaa isla markaana yeeshaan xeerar kala haga oo ay ku wada noolaadaan .
Hadaba xilliyadii ka danbeesay isticmaarkii ay somalidu isku soo boholyooday dhankastoo ay tahayba waxaa ay sameesteen xukuumado dadyow kala duwani soo maamuleen taaso sababtay in maamulada ay ka dhashaan maamul kaligii talis ahi kaaso runtii bilawgiisi hore dadka wax u qabtay haddi ay tahay aqoonta oo aanay somalidu gabi ahaanba wax lahjad la qoro oo ay af ay leedahay hore u lahayn hase yeeshe hirgaliyay in markii ugu horeesay la qoro afka somaliga sidoo kalena waxqabadada immika sii muuqda haddi ay tahay dhisme iyo adeegyo bulsho ee kaleba .
Waxaa maamulkaa majarhabaabiyay iyadoo ay dhaceen daneesi qabiil iyo u hogasaan la’aan xeerarkii iyo dhaqanki somalidu lahayd oo ay dad dano gaara lihi kana soo jeeda heybtii markaas xukunka gacanta ku haysay taasoo sababtay kala irdhaw ku yimid dadka somalida ahaa gabiahaanna meesha ka saartay hammigii fogaa ee ay somalidu lahayd ee ahaa in la helo shantii somaliyeed.
Waxaa si yara fudud u dhacay dagaalkii ethopia iyo Somalia 1977-kii kaas oo aad runtii dareemayso dalalka reer galbeedka ahi ama dadka aaminsan diinta aan ahayn islaamka in ay ka biyo diideen dagaalkaas Go’aan caad oo hoos ay u gadhena ku tashaday isla markana hamigoogi Go’aanku Ruunti u meel maray.
Kaas oo aha inaan lagu dawan Dalka ay Diinta wadagan in aay Soomaliya oo ah Dal islaam ah Guulo Badana ka Gadhay Dagalkaas in Gabi ahan Somalida Dawladoodi meesha laga saaro,Loona kala Jaajabiyo Qaabilooyinki Waakhtiyadi Casri Jaahiliga ay isku layn jiren iyado loo soo marayo in loo sameeyo Xisbiyo Xooriyad doon ah oo ay ka mid ahayn SSDF,SNM, YNS, SPM Iyo Qar kale.
Hadaba Ha Noqoto Guulo Ama Guul Darooyine waaxa ay Jaabahadahasi ku Guulaysten inay Gabi ahanba meesha ka Saraan Mamuladi isa soo daba yaalay Soomaliya,Sidana ay Guul ku Gadhan Dawladihi Haamigoogu ahaa inanay Halkaas ka sii Amba Qaadin Dawlaad Aay Dadkeedu yihin islaam oo Awood badaan leh.
Jaabhadahan aaynu Soo Xuusnay oo Dadka intiisa Badani aay Aqoon Ficaan u leyihin Dadkii Mamulka ka ahaa aya hadana Qoraalkaygi Jeeclaystay inan Xuso SSDF- oo u Guddomiye ka aha Alle ha u Naxariste Cabdilaahi Yusuuf Axmed Sido Kalana SNM- Iyadana u Gudomiye Ka ahaa Alle Ha u Naxariiste Cabdiraaxman Axmed Cali (Tuur),YNS- u Guddomiye ka ahaa isna Alle Ha u Naaxariste Janaraal Maxamed Faraax Caydiid.
Waaxa Tarikhda Foog iyo Xoogta aan ku Xasuustay in kasto aanan Xiliga Jirin Hase yeeshe Waaxay Soomalidu Ku Maah maahda Maaqalka Dhagta aaya ka Da Waayn Qoofka oo aan Dulucda Qooralkaygu tahay u Firsasho aan u Firsaday inti aan jiray oo Ruunti waax Soomalida ka sii Dhacaya Mooyane Gaabi ahaan anaan araag waax u Soo Koordha Marka Laga Reebo Dadyow ILAAHAY Subxanahu Watacala ka Samato Bixiyey Mooyane.
Waaxay Ahayd 1991-Dii Markii Dadka Rer Waaqoyi Ama Rer Somaliland Ay Saamaysten Mamul iyo Dawlaad iyaga u Gar ah,Ruuntina Ku Gulaystay in aay mamulkasi u Sii Shaaqeyo Mudo Gadhaysa 23-sano oo ah Maalinti lagu Dhawaqay Wiilki Dhashay in u maanta yahay Nin Waayn oo Gaashan qad ah.
Haddaba Waaxa aad Mooda Amaba aad arkaysa Markad Dhuulkooga Timado in ay Dadkan ku Heeshiyen inay ku nooladan ama aay ilashadan Xeer Dhaqameedyadi aay ku kala Badbadi Lahayn Dabarkana u Noqon laha Taasna Aay Guusheedi Maanta ku Nalooyihin.
Sida Dadka Qar Anigu ma odhanayo Waay Guul Daraysten Somalida kale Hasa yeeshe Waaxa iyaguna Somalida Saamota baxaday ee Sharfata ku Nool ka mida Somalida Dagta Deeganka Ethopia iyo Somalida Kenya, Somalida Dalka Garka ah iyaguna Samaystay Ee DJIBOUTI, Somalida Konfureed iyo Goobolada Dhaxana Ruunti Waaxay u Baahantay In Loo Duceyo Cooladaha Daba Dheeradayna Laga Caawiyo Siday uga Bad badi Lahayen.
Somaliland waa Dal ay Dadkiisu Saamaysten Dowaladaha Dunidana Kama Helan Waaxay Xaaqa u lahayen oo Cidankooda iyo Waaxyaha kala Duwan ee Xukumadi yeelato iyaga Mushaharka Dhexdooda ka samaystay oo waaxay ka soo baxda Laacagtasi Caashurta aay Muwadiniintu Bixiso,
Ruunti Cidanku Waaxay Ku Bilaabmeen Maaleshiyo Beeledyo Marki Danbe Noqday Cidaan Ruunti Ku Qanacsan Inay Dalkooda iyo Dadkooda Ku Niyad san una Heelan Hadh iyo Habeenba.
Shacbiguna waa dad aaminsan qadiyadda Somaliland marnaba aan dhagahooda la soo marsiinahayn in ay tahay qadiyad aan jirin meeshana aanay ka bixin wixii la isku oranjiray Somali republic .hadaba dhibka jiraa Somaliland dhexdeeda ilaa iyo 1991-kii ilaa haatan oo ah 2014-ka oo noqonaysaa 23 sanadood in aanay ku guuleesan dadkanu siyaasi damaca shacbiga isagana ay dhab ka tahay taasoo marag ay u tahay in aanay runta u sheegin siyasaadda dibadda ee qarankan Somaliland guul iyo guuldaro wixii ay la soo kulmaan .
Marka laga reebo wakhtigii maxamed xaaji ibraahim cigal alle ha u naxariiste madaxweynaha labaad Somaliland oo marar badan isku dayay isagoo u khudbadeenayaa oo uu si dadban ugu sheegay shacbigiisa hor taagan qadiyadda Somaliwayn oo ay danahaasi u fulinayaan dad u dhashay Somaliland ama waqooyi hadaba xukuumada haatan oo iyaduna runtii isku dayday hadalka oo ah waxa uu aadamuhuu isku af garto kuna dhiiratay in ay Somaliland iyo Somalia wada hadlaan runti haddi laga dhab sheegayo wadahadalkaasi iyo qarannimada Somaliland in aanay marnaba wixii la isku odhan jiray Somalia shacbiga masuulka ka yihiin ka go’antahay in aanay marnaba ku noqon .
Haa..Haa qadiyaddani waa dhab majarhabaabinna wax galaya maaha waxaase aad mooda in iyadu ay jirto guulahaa iyo dhacdooyinka aynu kor ku soo xusnay in ay shucuurtii iyo hamigii foga ee shacbigani lahaayeen hoosta ay maanta kaga jirto waxaa koonfur iyo gobolada dhexe ilaa hadda ay burburka ugu jiraan oo ah qabyaalad ,aano, iyo fulimihii wakhtigi jaahiliyadda qabyaalada ay keeni jirtay taaso aad arkayso wax aynu sharciyo iyo xeerar la isla qaatay aynu u sameesannay oo hab qabiiliya loo xalinayo .
Waxaa ay dadka ay dheeryihiin oday dhaqameedada iyo xeerarka dhaqanka ee uu shacbigu u hogaansanyahay laakin maaha marka dawladnimo laga hadlayo in qabyaaladii iyo xeer dhaqameedka hoos wadno dawladnimada aynu rabnaa maaha tii maxamed siyaad barre oo kale laakin waa in aynu kala soocano dawladnimadeena iyo xeer dhaqameedka qabiiligeena taasina waxa ay noo fududeenaysaa in aynu helno dawlada adag iyo dhaqan adag oo aynu ku guuleesano nolosha inta inoo hadhsan innago marnaba aan ka tanaasuleen in uu dalkani noqdo dal madax banana oo dunida ka mida taasina ay noqonayso majaraha rasmiga ah ee aynu u marayno qadiyada Somaliland .
La Socoo…..
Waan soo Dhawaynaya Fikirkiina,Taladina iyo Aragti ahaan siday kula muuqato anigo tix galinaya dhamaan dadka inti jaanis sisa ee sii wacan u dhugata qoraalkan waxaaydu igu soo Hagajin Kartana Emailkan Cabdiraxiim9909@gmail.com.
Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)
Cabdiraxiim9909@gmail.com
Hargeysa/Somaliland