Thursday, March 6, 2014

Bahda Saxaafadda oo Tacsi u diraya Xasan Baanarooma oo Aabbihii Geeriyooday


Guddoomiyaha Ururka Suxufiiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf,Guddoomiye Ku-xigeenka SOLJA Maxamed Cabdi Curad,Xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, iyo Suxufiyiinta kala ah, Khadar Maxamed Cakulle,Cabdifataax Ismaaciil Mursal,Mustafe Cabdi Maxamed (Janaale), Cabdiraxmaan Xasan Cabdi, Cabdiwali Faarax Jaambiir, Siciid Cawil Axmed, Cali Jaamac Maxamed, Muuse Faarax Jaambiir, Khadar Iid Kaariye, Cabdiwahaab Axmed Cabbeeye, Xayaad Maxamed Cabdilllaahi, Sahra Cabdiwahaab Sheekh, Saleebaan Ibraahin Xaashi, Xasan Cumar Xasan, Hodan Cali Cajabi,Nimco Maxamuud Ciise, Maxamed Cabdalle, Saleebaan Ibraahin Xaashi (Saleebaan-guray), Nimco Cumar Maxamuud, Safiya Cali Yuusuf,Sahra Ciidle Nuur, Ayaan Cabdirisaaq Jaamac, Nafiisa Maxamuud Muuse, Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Faysal Xiis Weerar (Afgaab), Cabdiqaadir Aadan Carab, Siciid Cabdi Xuseen, Muniir Axmed Cigaal, Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Cabdiraxmaan Aw Aadan Dhammeeye, Cumar Maxamed Faarax, Maxamed Saleebaan Cumar, Sagal Mustafe Xasan Nuur, Cali Xasan Sugulle, Xasan Maal Dhidar,Cabdiwahaab C/Rashiid Xuseen,Axmed Maxamed Saleebaan,Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale), Cabdiqani Cabdillaahi Axmed (Asbaroo),Cabdiqaadir Maxamed Ciid,Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef), Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), Axmed Maxamed Cabdillaahi (Barre),Cabdirashiid Cali Sheekh, Maxamed Cabdi Cumar (Cirro),Kayse Axmed Digaale,Khadar Macallin Deeq iyo dhammaan Suxufiyiinta reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan.




 waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac Cabddalla (Af-nugaal) oo caawa ku geeriyooday gurigiisa Magaalada Hargeysa.




Gaar ahaan waxay Suxufiyiintu si gaara uga  tacsiyadaynayaan Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Baanarooma)  oo  ka tirsan Farsamo-yaqaannada Telefeshinka Qaranka Somaliland oo uu Marxuumku Aabbihii ahaa.




 Waxaannu leenahay Illaahay Marxuumka Naxariistiisa Janno haka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna haka siiyo dhammaan qoyska, ehelada, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay.




Aammiin…aammiin…..aammiin.




INAA LILAAHI WAA INAA Ilaahi RAAJUCUUN..