Tuesday, March 11, 2014


Milkiilaha kooxda Inter Milan  Erick Thohir ayaa beeniyay wararka la xidhiidha in kooxdisa ay xidhiidh la sameysay weeraryahanada Premier League ka ciyaara ee Javier Hernandez “Chicharito” iyo Fernando Torres kuwaas oo aan boos joogta ah ka heysan kooxahooda isla markaana doonaya iney hawo gadistaan.




 




Fernando Torres ayaa 50 Malyan Oo Euro kaga soo biiray kooxda Liverpool 2011 wuxuuna doonayaa inuu xagaagan iskaga dhaqaajiyo Stamford Bridge inkastoo lala xidhiidhiyey kooxda Inter Milan todobaadkaan hadana Thohir ayaa beeniyay warka sheegaya in Inter ay dooneyso Torres.




 




Sidoo kale Thohir ayaa beeniyay in kooxdiisa ay dooneyso weeraryahanka Man United iyo Xulka Mexico Javier Hernandez kaas oo isna ku dhibtoonaya kursiga keydka ee Old Trafford.




 




“Javier waa xidig wanaagsan balse midna ma dooneyno isaga iyo Torres” ayuu Thohir u sheegay suxufiyiinta.




 




Inter Milan ayaa goor hore dhameysay heshiiskii kabtanka Man United Nemanja Vidic kaas oo heshiiska uu United kula jiro uu dhamanayo June 2014 waxeyna sidoo kale doonayaan xidigo kale oo kooxda lagu xoojiyo xili ciyaareedka soo aadan.