Xiddiga Bayern Munich Arjen Robben ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday fursad uu ku biiri karayey Juventus xagaagii 2012.
Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa dooneysay inay xiddiga reer Holland geyso Serie A 18 bilood ka hor, laakiin halka uu xiddigaan kaga mahadceliyay Bianconeri xiisahooda kama uusan labalabeynin inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Bayern Munich.
“Inaan iska diido Juventus wax xiriir ah lama lahan koox ahaan waxa ay tahay Juventus. Waxaan dareemayay inaan aad ugu fiicanahay Bayern Munich sida haatan. Waana sababta uusan heshiiska u dhicin” ayuu Robben u sheegay La Gazzetta dello Sport.
“Juventus waa koox fantastik ah, mar walbana sharaf ayay ii tahay marka koox weyn ay ii soo bandhigto inay i xiiseyneyso.
“Si aan laablaab laheyn ayaan u la dhaqmay Juventus. Waxaan fariinta qoraalka ee mobilke ugu diray inay sharaf ii tahay xiisahooda laakiin aan doonayay inaan sii joogo Bayern Munich. Waa ay ii soo jawaabeen iyagoo ii sheegay in albaabkooda uu mar walba ii furan yahay.
“Kooxo kale oo Talyaani ah ayaa hadda ka hor iyagana i raadinayay, laakiin markaasna waxaan ku fiicnaa kooxdii aan la joogay.”