Saturday, March 22, 2014

Mascherano Oo Digniin U Diray Barcelona: “Wey Adag tahay In La Celiy CR7 Kulanka El-Clasico”


timthumbDaafaca kooxda Barcelona Javier Mascherano iyo Xulka Argentina ayaa digniin culus u diray xidigaha Barcelona ka hor kulanka El-Clasico ee todobaadkaan dhexmari doona kooxaha Barca iyo Real Madrid kulan ka dhici doona Bernabue Stadium kagana digay halista kaga imaan karta laacibka Real CR7.




 




Kabtanka Xulka Portugal C. Ronaldo ayaa dhaliyay 41-gool, 37-kulan oo uu saftay dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan, balse Mascherano ayaa kaga digay xidigaha Barca iney jaanis siiyaan xidigaan heerka caalami.”C. Ronaldo waa xidig aan caadi aheyn wuxuuna ku guuleystay Ballon d’Or Xili Ciyaareedaan, sabtabaas ayaa ka dhigtay inuu meel walba gool ka dhalin karo” ayuu yiri Mascherano oo u waramayay Goal.




 




“Wuxuu leeyahay awood muuqata, balse waan sugeynaa inaan wajahno, wey adag tahay in la celiyo balse waxaan rajeynayaa in Axada ay noqoto maalin aan u wanagsaneen isaga” ayuu mar kale yiri Mascherano.




 




“Waxaan isku dayi inaan inaan carqaladeyno isla markaan aan u diidno jaanis, balse xisaabta ku darso inuu yahay ciyaariyahan laga yaabo inuu ku dhaawaco”




 




“Xidigaha asaga oo kala ah waa kuwa ugu xoogan aduunka, Ronaldo goolashiisa iyo natiijada uu soo hooyo ayaa ka dhigtay inu wanagsanaado, inkastoo mararka qaar ay difaacyada u qaldamaan”




 




Dhanka kale Mascherano ayaa ka hadlay dib usoo kabashada Lionel Messi ee kulanka El-clasico iyo hadii uu yahay xidiga ugu wanaagsan aduunyada  soo maray.




 




“Leo haatan hormar ayuu sameeyay” ayuu 29-jirkaan reer Argentina sheegay, “Waxaan ka hadleynaa xidig aduunka soo maray hal mar” “Wuu sii wadi doonaa dhalinta goolasha, walina wuu yaryahay”




 




“Wey adag tahay in la helo eray ama qormo lagu qeexo Lionel Messi, qof walba oo wanaagsan ayaana horay u amaanay xidigaan. “Miyuu ka wanaagsan yahay Diego Maradona? Su’aal aheyd ayaa la weydiiyay Mascherano,




 




“Dhamaan sida muuqata waxaa jira kala duwanaasho badan” “Waxaan filayaa in uu sameeyay wax badan, ma garan karo hadii la isla barbardhigi karo laba shaqsi oo waqti kala duwan ciyaaray, balse aniga ahaan waxaan dhihi lahaa ugu dambeyntii Leo Messi ayaa ah xidiga ugu wanaagsan ee aan arkay Nolosheyda”




 




Ugu dambeyntiina Javier Mascherano ayaa ka hadlay Kulanka Xiisaha leh Ee El-clasico ee todobaadkaan ay la ciyaari doonaan Real Madrid.




 




“Kuma fiicna wax walba in laga hordhaco, waxaan wax walba kusoo bandhigi doonaa garonka dhexdiisa, qofkii guuleysta ayaana ah kan wanaagsan mar walba”




 




“Marid waa hogamiyaha Horyaalka, anagana waxaan tigsaneynaa booskeeda, Final ayeyna noo tahay kulankaan inaan u tartan La Liga” ayuu yiri Javier.




 




Labadan koxoood ayaa lugtii hore ku kala baxay 2-1 oo ay guusha ku raacday Barcelona Neymar iyo Sanhez ayeyna labada gool ka heleen halka Jese uu Real Madrid goolka u dhaliyay.