Saturday, March 22, 2014

Borrusia Dortmund Oo Xaqiijisay Dhaawaca Marcel Schmelzer & Mudada Uu Maqnanayo


SchmelzerDaafaca Xulka Jarmalka iyo Kooxda Borrusia Dortmund ayaa war naxdin leh laga soo sheegay markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii lugta labaad ee Champions League ay gurigooda ku qaabileen Zenit markaas oo 2-1 looga awood sheegtay inkastoo isku cel-celis ay kusoo baxeen 5-4.




 




Marcel Schmelzer ayaa mudo bil ah garoomada ka maqnaan doona kadib dhaawac soo gaaray waxaana uu seegi doonaa labada kulan ee kooxdiisa ay Wareega Quater Finalka la ciyaari doonto Real Madrid.




 




Sida lagu qoray Website-ka naadiga ay gaarka u leedahay xidigaan reer Jarmal ayaa muruqa ka dhaawacmay isagoo mudo 4-5 isbuuc maqnaan doona.




 




Borrusia Dortmund ayaan u xoog badneyn sidii sanadii hore madama ay inta badan ciyaartoyda kooxda dhaawacyo uga kala maqnaayeen waqtiyo kala duwan balse haatan waxaa dhaawac kaga maqan Błaszczykowski, Neven Subotić iyo Sven Bender kuwaas oo la filayo iney qeyb ka qaataan kulamada Quater Finalka ee Real Madrid.