Saturday, March 22, 2014

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Baarlamanka ka dalbaday wada shaqayn kal-fadhiga 4aad


Madaxweyne Xasan "Waxaa la joogaa Waqtigii waxqabadka”




IMG_1849Muqdisho, 22 Maarso 2014 –(GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka.




Golaha Baarlamanka ayaa Fasax galay horaantii sanadka.




Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga Golaha Shacabka, waxaanu sheegay in la gaadhay xiligii wax wada qabsiga.




Madaxweynaha ayaa ku yiri xildhibaanada “Waxaan idinkugu hambalyeynayaa in maanta uu Kalfadhigii 4aad idiin furmayo. Waxaa la joogaa Waqtigii waxbaadka. Sanadkan 2014 waxaa na horyaalla dib-u-eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo bilaabidda nidaamka Dimoqraadiyadda, si aan u gaarno ujeedadeena ah inaan hirgelino doorasho ka dhacda dalka 2016.IMG_1953




 Madaxweynaha ayaa xildhibaana siiyey warbixin la xiriirta howlgalada ciidamada oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab oo la baacsaday, laakin weli keeni kara khatar nooga baahan inaan dalka ka sifeyno.IMG_1904




 “Maalin walba waxaan ka saarnaa kooxaha nabad-diidka ah goobo muhiim ah oo shacabku ay heleen neecaw nabadeed. Waxaana bilownay gar-gaar bani’aadanimo oo muhiim u ah shacabka iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo ah in gargaar lala gaaro shacabka deegaanada la xorreeyo, maamulo KMG ah loo sameeyo, hirgelinta hay’adaha amniga iyo garsoorka, maamul wanaag iyo adeegyada bulshada si shacabku ay aayahooda uga tashadaan.”




 “Dib-u-habeynta maamulka iyo maareynta maaliyadda ayaa si habsami leh u socda. Hanti Dhowrka Qaranka iyo Xisaabiyaha Guud ayaan magacownay oo ku yimid nidaam cad-cad oo tar-tan furan ah oo ay World Bank gacan naga siisay. Golaha Wasiiradu waxey dhowaan ansixiyeen sharicigii tariifada canshuuraha oo baarlamaanka loo soo gudbiyey kaas oo wax weyn ka tari doona kobcinta dhaqaalaha dalka, si aan uga maarano kaalmada shisheeyo oo aan isugu tashano dhaqaale ahaan.”




Madaxweynaha ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan howlaha




muhiimka noo wada ah. “Caqabado fara badan baa jira oo wadashaqeynta hay’adaha dastuuriga looga baahan yahay wadashaqeyn buuxda oo loo baahan yahay dulqaad, is-faham iyo tanaasul ay lama huraan u tahay siyaasada dalka. Waxaana idinka codsanayaa in dhammaanteen laga wada shaqeeyo danta guud iyo maslaxadda qaranka.”




 Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’antahay in lala yimaado waxqabad, isla xisaabtan iyo horumar ballaaran, si aan u hirgelino qorshaha dowladda oo ah in doorashooyin la qabto sanadka. IMG_1854 IMG_1865  IMG_1928 IMG_1941




2016.”




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com