Saturday, March 22, 2014

Burco: Xuska Maalinta Biyaha oo laysku booriyay


Burco(GNA)Xalflad Balaadhan oo lagu xusayay Maalinta Biyaha Aduunka ee loo asteeyay 22 March ayaa lagu qabtay Xarunta wasaarada BIyaha iyo tamarta  ee Gobolka Togdheer.




Xafaladan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Biyaha Iyo tamarta iyo  hay,ada CARITAS,isla markaana ay xidhiidhinaysay dalada SYS ayaa waxa kasoo qayb galay,Badhasaabka Gobolka Toghdeer,Maaayarka Magaalada Burco,Madaxda wasaarada Biyaha,qaar ka mid ah Hay,ada Caalamiga ah ,Madax iyo dadwayne kale.




Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye kaasoo ka waramay baahida Biyaha ee Bino’aadamka.




01waxaanu ydhi''jidhkeeen ayaa biyo ka samysan oo boqolkiiba shan iyo todobaatan baa biyo ah,waaa in  biyaha laga faa'iidaystaa  oo kuwaa socnaya la qabtaa,Dawladuna istaraajiyad bay ka leedahay,wasiirka Biyuhuna maalin dhawayd buu hadlayay oo waxa uu lahaa Biyaha dooxyada waa la qabnayaa,dhulkeena intiisii badnayd waa biyo la,adahay waxaa biyo u noqonlahaa dooxaas Burco oo loo qabto,Qoaldan Hay,adaha waxaa halku dheg u ah Qabsashada Biyaha Minjaroorka,waxaan leeyahay waynu gaadhi doonaa in dooxyada Biyaha la qabto,ayuu Badhasaabku hadalkiisii kaga baxay”ayuu yidhi.03




Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(Maxamed Muraad) ayaa isaguna sheegay Muhiimada ay biyuhu leeyihiin waxaanu yidhi'Illaahay Biyaha wuu inagu nooleeyay ,shay kasta nolol waxaa looga dhigay Biyaha Dhirta qalashay baa kacaysa haday Biyo hesho,waxa loo baahanyahay in aynu dhawrano,Magaalada Burco waa Bogcadaha ugu biyaha badan,waxaan leeyahay aan caqliga ka shaqaysiino.




Halkan shan Hay,adood baa ku qoran Markaad isu eegto waxa isku dubadhacsan iyo Hay,adahani way kala xoog roon yihiin,xataa hadii ay iyagu kawada qayb qaataan,in mid kaliyi ay meesha joogto ayay ahayd ,waayo intan wax ka wayn baanu ka filaynay,maahmaah baa waxay ahayd Rubad inan ku dhali maysid,Hay,adahana waxaan leeyahay Rubad inan ku dhali maysaan,Maalinta faraxalkaa kharash lagu bixiya,Maalinat Beenta,Maalinta Gudniinka Fircooniga ah baa lagu bixiyaa kharash,lacagaha meelaa noocaas ah waxa ka fiican in la yidhaahdo dawladeey maxaad haysaan anaguna intaas baanu haynaa oo biyahaa ina dhaafaya aan ku qabsano.




Isuduwaha Wasaarada Biyaha iyo Tamarta Rashiid Faarax C/qaadir, xubno ka mid ah Madaxda Hay,ada CARITAS,Xasan Bede,inj-Saleebaan,Abokor Cumar Aadan,oo dhamaantood aka hadlay ayaa iyana si wada Jir ah uga sheekeeyay muhiimada Biyaha waxaanay sheegeen in fadHiga laga kaco oo biyah laga faa'iidaysto. 02




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office