Pages

Sunday, March 23, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhambaal tacsi ah diraya


Hargeysa(GNA)-Dhamaal tacsi ah oo naga soo gaadhay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u dirayo qoyskii iyo qaraavadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (cago-jiidh) oo ka mid ahaa Odeyaasha waaweyn ee Gobolka Togdheer.




Tacsida ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday 23/03.2014, Magaalada Burco.




Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir muhiim ah oo ka baxay gobolka togdheer iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.




 




Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.




 




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”.