Pages

Sunday, March 23, 2014

Hargeysa: Madal kulmisay Mucaarid iyo Muxaafid oo lagu daah-furay Warbaahin cusub


Arabsiyo(GNA) Munaasibad balaadhan Madal ilyartu is qabatay oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayay ahayd Xafladda Furitaanka Shabakaddani oo ka dhacday magaaladda Arabsiyo.




Masuuliyiin katirsan Xisbiyadda Mucaaridka ah kan xukuumiga ah Xildhibaano Madaxda haayadaha Laamaha Dawladda Gobolka Gabiley Haldoor Cuqaal Haween iyo Siyaasiyiin kale ayaa kasoo qayb galay Waxanay daah Fur U ahayd Shabakadda Caalamiga Ah Ee Arabsiyonews.com




Abdishakur Haybe Muxumed Tafatiraha guud ee Mareegtaasi oo ugu horaynba halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada ka dambeysay inay dhidibadda utaagan Shabakaddani oo uu ku sifeeyay Sidii ay uga hadli lahaayeen baahiyaha guud ee Gobolka Gabiley Siiba ay diiradda ku saarayaan Magaaladda Ay Magaceeda Huwan tahay ee Arabsiyo.




Sidoo kale Abdishakuur waxa uu carabka ku adkeeyay inay si dhexdhexaad iyo hufnaani ku dheehan tahay Guud ahaanba Bulshadda Somaliland.




Gudomiyaha Gobolka Gabiley, Gudomiyaha Ururka Afgarad, Xildhibaano Wakiiladda Katirsan iyo xubno xisbiyadda Mucaaradka Qaarkood Metelayay ayaa dhamaantoodba Si isku mid ah u Boogaadiyay furitaanka Mareegtan iyogoona Maamulka kula dardaarmay inay si dheeli tiran ugu shaqeeyaan Bulshadda Dalka.




Odayaal dhaqameed iyo Haween ubadan Dadka deegaanka Arabsiyo ayaa iyaguna Ka mahda doobay furitaanka mareeg Magacooda ku hadasha taaso ay jawi dareen farxadeed ku qaabileen.




Halkan ka Daawo Xafladda:


https://www.youtube.com/watch?v=oa-b-QSamqo


Soo Booqo Shabakadda Calamiga Ah Ee www.arabsiyonews.com




Countact Us Arabsiyo Media




Email: Abdishakur22@hotmail.com




Tafatiraha Guud Ee Arabsiyonews




Tell +25263-4461307




Hargeysa/Arabsiyonews.Com




Daawo Muqaalka Xafladaasi