Pages

Friday, March 7, 2014

Madaxweyne Axmed-siiraanyo wuu ka hayaamay! Xuseen Bad-maax


Hadaan xasuus u soo qaato hadaladii uu madaxweyne Axmed-siiraanyo shacabka ku hurgufi jiray beriguu mucaaridka ahaa waxa ka mida ahaa: (Waxaanu ku dhaqmi doonaa sharuucda dalka u taal iyo dastuurka Jamhuuriyada Somaliland).Balse wax la waayay iga dheh.




Hadalkaasi waxa uu tilmaan ka bixi-nayay baahida dalku u qabay in laga gudbo nidaam-yada khariban ee qabyaalada,dilka,dhaca,eexda iyo sharci darrada ku qotomay.Markaa waxa isweydiin mudan inaynu dib u jaleecno inay wax ka fuleen iyo inay kaba sii dartay.Waxa aan odhan karaa waxay hoos ugu dhacday god madaw oo aan lahayn meel iftiimaysa.Waayo..Bal u fiirso inta qodob ee dastuuri ah ee madaxweyne Axmed-siiraanyo jebiyay,jeebkana kala soo baxay amaro uu ula baxay xeer madaxweyne iyo qaar kale oo uu ula baxay wax-ka-bedel iyo kaabis,kana ansixisto golayaasha hawshoodii gabay ee baarlamanka.Kaba soo qaad,qodobkan ugu danbeeyay ee uu Madaxweyne Axmed-siiraanyo ku tuntay,golahii wakiilada ee u yeedhi lahaana iskaba galay fasaxii shaaha oo laba bilood ah.Waakan qodobka dastuuriga ah ee Axmed-siiraanyo dhexda kaga tuntay:




QODOBKA 46AAD




KAL-FADHIYADA IYO HABAYNTA




GOLAHA WAKIILADA




4. Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horeeya sannad walba, waxayna ka war bixinaysaa: siyaasadda, barnaamijyada Dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed & xaaladda nabadgelyada.




Maaha markii ugu horaysay ee uu qodob dastuuri ah jebiyo madaxweyne Axmed-siiraany.Waxa hore u jebiyay ugu yaraan 5 qodob oo dastuuri ah,mana jirto cid la xisaabtanta oo wax ka waydiisa denbiyada culus ee uu dalka ka galay muddada uu kurisaga hogaanka ku fadhiyo.Yaa hadaba Madaxweynaha ku samayn kara daba gal ee ay waajib dastuuri ah ku tahay inayla xisaabtamaan!




Labada gole sharci dejin ee baarlamanka ayaa awood dastuuri ah u leh inay ku soo oogaan hadii uu ka talaabsado qodobo dastuuri ah.




 Waxa hubaal ah inuu maanta madaxweyne Axmed-siiraanyo ka hayaamay ku dhaqanka dastuurkii iyo shuruucda dalka u dejisan,kuna dhaqmaayo talaabooyin laga soo gudbay iyo kuwo dib dalka ugu celin kara casrul-jaahil waa hore lagu halaagmay.Isla markaa waxa uu buriyay dhaartii uu kitaabka gacanta saaray,kuna dhaartay inuu dalka iyo dadkaba ku hogaamin doono dastuurka iyo daacadnimo!




Xuseen Xasan Badmaax