Hoos ka Daawo Masuuliyiinta Dawladda oo Tacsi u diray qoyska reer Siciid Ayaanle, kiiskana Iclaan ka bixiyay..
Hargeysa(GNA)Waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Naaso-hablood ee Magaaladda Hargeysa Haweenay saddex maalmood ka hor maydkeeda laga soo saaray god lagu xabaal-nololiyey, ka dib markii la dilay.
Wasiirrada madaxtooyadda, Arrimaha Gudaha , Waxbarashada ,Masuuliyiin ka kala socday laamaha dawladda iyo Dadweyne tiro badan ayaa aaskaasi ka qayb qaatay.
Madaxda Dawladda ayaa Tacsi u diray Eheladda Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo muddo todobaad ah oo rag iyo ruux la la’aa, ka dib Maydkeeda laga helay god laga dhex qoday Guri ku yaala Xaafadda New Hargeysa.
Ruqiya ayaa sida la sheegay waxa Dilay Haweenay kale oo ay lacago isku lahaayeen sida ay Saraakiisha Bilayska Somaliland sheegeen, taasoo isla maalintii Maydka la helay gacanta lagu dhigay.
Maydka ayaa saddex Maalmood yaalay Cisbitaalka Guud ee Magaalada, waxaana dilkan loo xidhay ilaa 8 qof oo ay ku jiraan Rag kuwa Xabaalaha Qoda ka mida oo la tuhunsanyahay inay Qoyska dilka geystay ku gacan siiyeen in maydkeeda la qariyo.
Saraakiil ka mida Ciidanka Amniga ayaa Gobanimo u sheegay in xalay Bilaysku qabteen laba Nin oo Xafaariin ah, kuwaasoo lagu eedeynayo inay Xabaasha Maydka lagu qariyay qodeen.
Hase ahaatee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Amniga oo la xidhiidha qabashada Nimankan xafaariinta ah.
Dilkan ayaa walaac badan iyo cabsi dhanka amniga ah Somaliland ka abuuray tan iyo markii uu soo shaac baxay, iyadoo ay si weyn bulshadu u hadal hayso.
Qaar ka mida Bulshada Rayidka ah oo Gobanimonews la hadlay ayaa qudh goynta noocan a ku tilmaamay mid bahalnimo ah.
Halkan ka Daawo Aaska Qaran iyo Masuuliyiin ka hadlay:
http://www.youtube.com/watch?v=tIsbASqPzs0
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com