Thursday, March 6, 2014

Madaxda Wasaradda Caafimaadka Somaliland oo lacag isku haysta


WasaaraddaHargeysa(GNA)-Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyayba isku haysteen lacago sida la sheegay ka soo hadhay wareegii ugu dambeeyay ee ololaha Talaalka Caruurta.




Khilaaf culus oo ka dhashay arrintaasi ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud, ka dib markii laysku maandhaafay qaybtii uu Agaasimaha Guud ku lahaa lacagta oo Wasiirku ka lunsaday.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa intii hawsha talaalku socotay iyo markii ay soo baxday lacagta lagu fuliyay, safar dibada ah ku maqnaa,taasoo sababtay in wasiir Xaglo-toosiye gaar  u maamusho kharashaadkaasi.




Talaalka ayaa la fuliyay Bishii labaad ee sanadka badhtamaheedii, waxaanu socday muddo toban maalmooda, iyadoo laga hir-geliyay in badan Gobollada waddanka, hase ahaatee aan wacyi gelin ku filan la siinin dadka si ay uga faa’idaystaan.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxda Wasaaraddu, khilaafka Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed iyo Agaasimaha Guud Cismaan Xuseen Warsame, ayaa gaadhay heer Madaxtooyada dacwaddoodu gaadhay.




Ilo-wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Maanta labada masuul madaxtooyada looga yeedhay si arrintooda loo xaliyo, iyadoo halkaasi lagu soo heshiisiiyay.




Lacagta laysku qabsaday ayaa wax bixisay Hay’adda WHO, waxaana loogu talo galay in lagu fuliyo wacyi gelinta iyo Kormeerka Ololaha talaalka, taasoo aan inta badan kooxaha talaalka fuliya cid lagaga darin, isla markaana kharashka loogu talo galay Madaxda Wasaaradda iyo Shaqaalaha Xafiisyadu qaybsadaan.




Hase ahaatee waxa la sheegay in lacagtaasi markii ay soo baxday uu Wasiir xaglo-toosiye Jeebka ku shubtay, isla markaana waxoogaa yar oo faro guudkood ah u qaybiyay Darawaliinta iyo hawl-wadeenada Xafiisyada ee aan ka qayb-qaadan talaalka , halka uu intii kale keligii qaatay, inkasta oo la sheegay inuu Wasiir ku-xigeenkana dhawr Kun oo Dollar uu siiyay .XAGLO TOOSIYE




Lacagta Talaalka ayaa ka midda Mashaariicda ugu musuqmaasuqa badan Somaliland ee ay Hay’addaha Ajaanibka ah dawladdu ka hesho, kaasoo inta badan la kala dhantaalo, loona fulin sidii loogu talo galay.




Lacagta wacyi-gelinta, kormeerka iyo ta qiimeynta loogu talo galay oo qaybo ka mida ay  si toosa ugu soo dhacaan Wasaaradda, isla markaana laga madaxbanaaneeyo  kharashka  talaalka, ayaa inta badan la lunsadaa, iyadoo ay taasi sababtay inaan ilaa hada horumar fiican laga gaadhin dabar goynta cuduradda Talaalka lagula tacaalayo, sida ay khubaradda Caafimaadku sheegeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com