Thursday, March 6, 2014

Ciidanka Tul-bataariyada Lawyacado Iyo Kuwa Laanta Socdaalka Oo Gacan Ka Hadal Dhex Maray.


images731Lawyacado-(GNA)-Ciidanka Tulbataariyada ee la dagaalanka Kootarabaanka eewasaaradda Maaliyadda ayaa albaabada u laabay Xafiiska Laanta Socdaalka ee Xuduudka Lawyacado, iyagoo Askarta Xafiiskaasi ka qaaday shaanbadii ay kus haqaysan jireen.




Sida ay wariyayaasha  Gobolka Salal ayaa soo wariyeen goor dhaweyd in khilaaf illaa muddo soo taxnaa uu keenay in labada ciidan awood isku adeegsadaan kadib markii ay isku maan-dhaafeen hanaanka Maamul ee u dhaxeeya kaasoo xal loo waayey.




Wariyuhu waxa uu ku soo waramayaa in saaka Ciidanka Tulbataariyada ee Lawayacado ay xoog ku qabsadeen xafiiska laanta socdaalka isla markaana ay ka qaateen qalabkii ay ku shaqaysan jireen, gaar ahaana Shaanbadii iyo waraaqihii.




Talaabada Ciidanka Tulbataariyadu ku talaabsadeen ayaa keentay in hawlihii xafiiska laanta socdaalku istaagaan isla markaana dadka socotada ahi ay kala kulmeen dhibaato, maadaama labada dhinac dadka u kala safrayaa adeegsan jireen shaanbadaha Enrty-ga iyo Fiisayaasha.




Illaa hada ma muuqato talaabo ay Xukuumadda dhexe ka qaadatay dhacdadan oo ah mid fool xumo ku ah nidaamka wadashaqayneed ee Xafiisyadan.”




Gobanimo news




Saylac office-somaliland