Hargeysa, (GNA)- Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa C/casiis Maxamed Xaashi (Cagoweyne), ayaa saaka xabsiga dhigay kormeerihii wasaarada howlaha guud ee bariga iyo koofurta Hargeysa Kaysa Jaamac Maxamuud, islamarkaana iridaha u soo labaay xafiis masuulkaasi ugaara oo ku yaala xaafada masalaha Hargeysa sida Gobonimonnews ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan wasaarada howlaha guud Somaliland.
Arrintan xadhiga masuulkan ayaa ku soo beegmaysa heshiis laba dhinac oo ay sheegeen inay ka gaadheen khilaaf muddo soo jiitamayay oo xaga maamulka dhulka hantida guud oo u dhaxeeyay wasaarada howlaha guud Somaliland iyo dowlada hoose Hargeysa, islamaraana muujinaysa in uu u dib u soo laba kacleeyay khilaafkaasi oo ay sheegeen inay ka heshiiyeen.
Wasaarada howlaha guud Somaliland, ayaa wali aan ka hadal xidhiga masuulkan oo hada ku xidhan saldhiga dowlada hoose Hargeysa. Ismaandhaafkan u dhaxeeya laba hayadood ee wasaarada howlaha guud Somaliland iyo dowladaha hoose , ayaa ka dhashay digreetada wasaaradda hawlaha guud Dhulka Danta guud kaga xayirtay in Dawladaha Hoose bixiyaan.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan wareegto ku magacaabay guddida Ilaalinta Dhulka Danta Guud, iyadoo wareegtadaasi sababtay in wasaaradda hawlaha Guud go'aanka muranku ka dhashay soo saarto.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com