Pages

Tuesday, March 18, 2014

M. Xasan sheikh oo Cisbitaal ku booqday Askar ku dhaawacmay Qaraxii Buulo-burte


Muqdisho, 18 March 2014 –(GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheikh Maxamud ayaa  maanta Cisbitaalka ku  booqday Askar xalay ku  dhaawacmay qarax ka dhacay Degmada Bule Burte .




Askar ka tirsan Ciidanka Soomaaliya iyo Kuwa Djibouti ee AMISOM oo ku dhaawacmay Qarax lagu laayay saraakiil Ciidan oo uu ka mid yahay Abaanduulihii Ciidanka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Jabuutiyaan ay  ayaa la keenay Muqdisho.




Madaxweynaha ayaa ammaanay askarta kuna dhiiri geliyey geesinimadooda iyo dhiiranaantooda.




“Waxaad afka hore ka tihiin dagaal aan kula jirno cadowga shacabka Soomaaliyeed, ee diidan nabadda iyo horumarka dalka.




Waxaadna u hurteen naftiina qaaliga ah. Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa naf-hurnimadiina iyo dhiirinaanta oo Qaranku ku dhisanyahay. Nafta aad hurteen waa mid dalka iyo diintaba u soo hoyey guulo isdaba joog ah, argagaxisadana waan ka saareynaa dalka oo dhan. Waxaana EEBBE idinkaga baryayaa inuu dhaawaca idiin sahlo oo aad dhaqso u kabsataan.”




 



Hasann



Madaxweynahu sidoo kale waxuu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii askartii ku geeriyootay qaraxaas ay arxan laawayaashu u geysteen ciidamada.




 “Howlgalada ciidanku si wanaagsan bey u bilowdeen una socdaan, kooxda Al-Shabaab na waa laga wada saari doonaa dalka oo dhan.




 Hase ahaatee, bacdamaa aan ka guuleysaneyno nabad-diidka waxey isku dayayaan falal argagaxiso oo ay shacabka waxeyeelo ugu geysanayaan oo naaga wada baahan adkeysi midnimo iyo wadajir.




Shakina iigama jiro ciidankeena geesiyaasha ay sharafteenna iyo karaamadeena soo celinayaan oo kooxahan laga guuleysanayo.”




Dhinaca kale Reysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Sheikh Axmed ayaa cambaareeyay weerarka Al-shabaab ku qaaday Hudheelka ay degenaayeen Saraakiisha Ciidan iyo Masuuliyiinta dhintay iyo kuwa dhaawacmay.




Reysal-wasaare Sheikh ayaa sheegay in Al-shabaab markii la jebiyay ay isku dayayaan inay dagaal raf la caaridnimo ah ku daadiyaan dhiiga Shacbiga iyo ka Ciidanka xooga.hasan“waxa la joogaa wakhtigii la soo afjari lahaa dhibaatooyinka Al-shabaab inagu hayso”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud oo hadlay ka dib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada ee xukuumadda oo uu shir guddoominayay.




Shirka ayaa looga hadlay Weerrarada Al-shabaab fulisay 24 –kii saacadood ee la soo dhaafay, kuwaasoo uu ku jiro falkii lagu qaarajiyay Taliye aagii Daraawiishta Puntland Coll Jaamac Saciid Af-guduud iyo Qarixii ismiidaaminta ahaa ee laayay Saraakiisha AMISOM iyo Xooga Dalka ee Buullo-burte ka dhacay. Hasanss hasanww xasan




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com