Wuxuu shalay ugu deeqay Kun Kiish oo Raashin ah oo Birqaada

Berbera(GNA)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalintii shalay wareejiyay Raashin dhan 1000 kiish oo isugu jira Bariis, Daqiiq iyo Sonkor oo uu ugu deegay Dadka ku dhaqan Xeebta Bari ee Gobolka Saaxil. 
Waa markii ugu horaysay ee Deeq ka socota hogaanka Xukuumadda la gaadhsiiyo Bulshada ku dhaqan deegaamada ku teedsan Xeebta ee Laasciidle iyo Xagal.
Maamulka Gobolka Saaxil ayaa Raashinkaa kula wareegay Xaflad loo sameeyay oo ay goob-joog ka ahaayeen Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin iyo Maareeyaha Samafalka Marwo Aamina Maxamed Diiriye oo ka wakiil ahayd deeqdan oo ka timid Madaxweynaha.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa saaka ka ambo baxay Magaaladda Berbera isagoo safar dhinaca Dhulka ah ku sii maraya Deegaamada Xeebta ee Raashinka ugu deeqay ilaa Gobolka Sanaag.
Safarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku maro Dhuulka Xeebta ah ee Gobollada Sanaag iyo Saaxil ee Gubanka ah, ayaa fursad weyn u ah Bulshada deegaamadaa ku dhaqan.
Dadka xogogaalka u ah Dhulkaasi iyo dadka ku nool, ayaa ku waramaya inuu waajahayo Mujtamac badan oo ka qatan waxtarka Dawladda iyo Hay’addaha la shaqeeya, kuwaasoo xadaarad soo jireen ah leh.
Wararka laga helayo Xeebta Gobolka Saaxil, ayaa ku waramaya inuu la kulmi doono cabasho badan oo Bulsho, taasoo la xidhiidha dhanka adeegyada aasaasiga ah.
Waxa uu madaxweynuhu ku safray waddada isku xidha Gobollada Saaxil iyo Sanaa gee xeebta marta oo ah mid raf ah, isla markaana rafaad iyo raxan raad ay kala kulmaan dadka ku socdaalaa.
Inkasta oo ujeedada safarkiisu ku waajahantahay Caasimadda Gobolka Sanaa gee Ceerigaabo oo uu u tegay dhagax dhiga bilwoga Mashruuca dhismaha waddada Burco iyo Gobolkaas isku xidhi doonta hadii la dhamaystiro, hadana waxa uu sii marayaa deegaamo badan oo ay ka mid yihiin Xiis iyo Maydh iyo kuwo kale.
Gobanimonews
Berbera Office
Email: editor@gobanimonews.com