Thursday, March 20, 2014

Hawl-gal ka dhan ah Gaadiidka Bajaajta oo Muqdisho ka socda


bajaaj-1




Muqdisho(GNA)-Ciidamada Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa Magaalada ka Aruuriyey Mootooyinka Saddexda Lug leh ee looyaqaano Bajaajka.




Howlgalkan  ka dhan ah  Mootooyinka Bajaajkaa ayaa waxaa Shalay ilaa Xalay Magaalada ka uruurinayay  Ciidamada Amaanka,iyadoona  lageenayey Xarunta Taraafikada ee Magaalada Muqdisho.




Qaar kamid ah Wadayaasha Mootooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan ogeen ujeedka loo aruurinayo,laakiin waxaa ay sheegeen  Amarka uu ka soo baxay Taliyaha Guud ee Ciidamada Ilaalada wadooyinka Cali Xirsi Bare “Cali Gaab”.




Mootooyinkaan ayaa waxaa Bilawgii Sanadkii 2013 ay ku soo bateen Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka,waxaana Wadad ugu badan oo ay Isticmaalaan ay tahay Maka Al-mukaramma.




Wali lama oga Sababata loo Aruurinayo Mootooyinkaasi,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Ilaalada wadooyinka Muqdisho oo arrintan la xidhiidha.




Balse ilo wareedyo ka soo baxaya taliska ayaa Gobanimonews u tibaaxay in wadeyaasha lagala hadlayo ka qaybqaadashada amniga.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com