Pages

Tuesday, March 18, 2014

Hargeysa:Mawaadiniin daawanayay Itoobiyaan Gaadhi ku rayay sanad Milateri oo la xadayo


Mawaadiniin Daawanayay Xamaaliin Itoobiyaan ah oo  Badhtamaha Hargeysa karartay  Hanti Qaran oo Milaterigu leeyahay




DSC00199 Hargeysa(GNA)-Koox Xamaaliin ah oo aad u shaqaynaya,kuwaasoo dhidid iyo rafaad badani ka muuqdo, ayaa Gaadhi nooca Waaraadka loo yaqaano  oo taagnaa , ka-soo-horjeedka Dhismaha Madbacadda Qaranka ee Magaaladda hargeysa  ku daabulayay Raso noocyo ka mida Biraha duugoobay oo xataa Jaandiyo iyo Shabaga Birta ka samayn ee Daaqadaha Guryaha lagu xidho ku jiraan.




Gaadhiga ayaa hortaagnaa Dukaamo iyo Makhaayaddo yar yar oo ay haystaan dad Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiraa, waxaana alaabta la rarayey ay dhinac taalay Dukaan iyo Makhaayad bunka laga cabo  uu haysto Nin Itoobiyaan ah.




Noocyada Birta halkaasi laga rarayay ayaa isugu jirtay qalacdo ka mida biraha Gaadiidka, Jaandiyo, qurubyo yar yar oo Birro aad u duugoobay ah oo ay ka mid yihiin Dhabaddaha Injiinka Gadiidka ( Car Filture Ingine), Daasadaha caanno boodhaha lagu keeno, kuwa saliida noocyaddeeda ka duwan iyo qurubyo shabaag bir ka samaysan ah.DSC00202




 



Agabkan ayaa loo dhoofinayay dalka Itoobiya, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen qaar ka mida dadkii Meheraddaha haystay, waxaana safarkan dirayay xubno isugu jira Mawaadiniin somaliland u dhashay iyo kuwo Itoobiyaan ah.




Tani waxay sawir  buuxa ka bixinaysaa heerka ay marayso xaalufinta Biraha Gaboobay iyo kuwa Mustacmalka ah oo aanay dadka reer Somaliland wax lexe jaclo ah u yeelan marka la tuuro, ujeeddo kale oo badanaa looga faa’idaystaana jirin marka la eego aragtida ay bulshada badankeedu aaminsantahay.




“haa inagga wax micno ah inooma samaynayso, laakiinse Itoobiya waxyaabo badan ayaa looga faa’idaysanayaa”sidaasi waxa Gobanimonews  Axmed oo taagnaa meel wax yar u jirta goobta gaadhiga laga rarayay, kaasoo daawanayay nimanka xamaalinta ah ee xoogsanayay.DSC00198




 



Iskaraabkan Birta ah ayaa sida naloo sheegay si joogto ah loogu dhoofiyaa dalka itoobiya, waxaana qashin ahaan looga iibiyaa Wershadaha birta farsameeya , kuwaasoo qaybo ka mid ah ka sameeya hub iyo waxyaabo kale oo dalkaasi lagu isticmaalo.DSC00201




 



Dhoofinta noocana ayaa ah sharci daro ah Dastuuriyan(Eeg Qodobka 12-aad) hadii aanay dawladdu sifo sharciga waafaqsan ku iibin,iyadoo marinaysa Guddida qandaraasyada.




Dad isugu jira kooxo Itoobiyaan ah iyo Mawaadiniin Somaliland u dhashay oo la shaqaysta ayaa bil kasta xadka labada dal ka gudbiya Iskaraab aan Xisaab lagu xadiday iyo xeer la mariyay toona jirin, taasina waa xatooyo badheedh ah oo lagula kacay Hanti dalku leeyahay oo ay xukuuamdda iyo shacbiguba  dayaceen.




Madaxweyne Siilaanyo oo Fasaxay Iibinta Iskaraabka




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa horaantii sanadkii 2013-ka wareegto ku fasaxay iibinta iskaraabka kala duwan ee dalka oo ay birtu ku jirto, laakiinse wuxuu amar ku bixiyay inay Xukuumaddu xaraashto, ka dibna lacagta ka soo baxda loogu deeqo Ciidanka Qaranka.




Wareegto uu soo saaray 8/4/2013, ayuu sidoo kale Madaxweynuhu ku caddeeyay in Iskaraabku nooc kasta oo uu yahay dawladda dhexe ka masuul tahay ilaalintiisa, dhalan gedigiisa iyo iibintiisaba, halka teer iyo wakhtigii dalka lagu soo laabtay ka ganacsanayeen Kooxaha Shurakadda ah ee aan kor ku soo xusnay.




Wareegtada Madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:




Wareegto Madaxweyne:-




Mudaneyaal iyo Marwooyin, Iskaraabka Dalku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, waxaana mas’uul ka ah Dawladda-dhexe sida ku tilmaaman Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad.




Dawladda-dhexe ayaa xilka saaran yahay qorshaynta iyo in sida ugu habboon looga faa’iidaysto Iskaraabka.




Haddaba, waxa aan farayaa Wasaaraddaha ay wareegtadani sida tooska ugu socoto inay guddi farsamo u saaraan soo ururinta dhammaan iskaraabka Dalka.




Sidoo kale, waxa aan farayaa Guddida Qandaraasyada Qaranka inay qiimeeyaan iskaraabka, mariyaanna nidaamka qandaraasyada Qaranka, isla markaana u bandhigaan suuqa xorta ah (Tartan xor ah iyo qandaraas furan), iyaga oo la-kaashanaya Wasaaraddaha hawshan ku hawlan.




Sidaas darteed, dhammaan wixii dhaqaale ka soo baxa waxa lagu maal-gelin doonnaa Ciidammada kala duwan ee Qaranka, waxaanna dhaqaalahan lagu shubi doonnaa qasnadda Dawladda, iyada oo la raacayo hab-maamulka Wasaaradda Maaliyadda”ayaa lagu yidhi Wareegtada.




Dabar goynta Birta iyo Daawashada Dawladda




Laakiinse inkasta oo aanay cadeyn qadarka dhaqaalaha looga faa’ideeyay Ciidanka Qaranka, iskaraab la iibiyay, hadana waxa muuqata inaan Hay’addaha Dawladdu dheg jalaq u siin amarka madaxweynaha iyo xafiddaada Hantida dalka.




Waxaana muuqata inay wali sii socota fadhataysiga Iskaraabka dalka ee Itoobiya loo dhoofiyo oo Bulshadu filaysay inay ku soo afjarmayso Qaraarka Madaxweynaha.




Si kastaba ha ahaatee wareegtada madaxweynaha ayaa soo baxday xili Kooxaha dabar-goynta Birta ee Itoobiya ka yimi ay wali dhulka ka sii xadhanayaan qashinkii ugu yaraa ee bir u eekaha ahaa iyo Daasadaha , markii ay dhamaysteen Iskaraabkii waaweynaa ee Geerashyada iyo Guryaha dhexdooda iska daadsanaa.




Kaasoo ay dadka reer Somaliland ka faa’idaysan kari waayeen, isla markaana marka ay ka iibinayaan Itoobiyaanka ay lacag aad u yar ka siiyaan, iyagoo aan waxba u arkayn, halka ka iminka la gurto badankiisa laga soo uruursado goobaha Qashinka lagu daadiyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com