Pages

Tuesday, March 18, 2014

Col.Jaamac Siciid Af-guduud oo lagu dilay Duleedka Boosaaso


Jaamac AfguduudBoosaaso(GNA)-Dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay inay dileen Korneyl Jaamac Siciid Afgaduud oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Daraaawiishta Puntland iyo mid ka mida Ilaaladiisa meel u dhaxaysa Deegaanka Sugure  iyo Boosaaso, ka dib markii ay waddada u galeen.




Sarkaalka ayaa ayaa  galabta ka amba baxay  Magaalada Boosaaso, kuna sii jeeday deegaanka Sugure, ayaa wadada loo galay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka ee Gobolka iyo dawladda toona oo la xidhiidha dilka Sarkaalka.




Taliyaha ayaa la keenay Magaalada Boosaaso isagoo dhaawac ah, halkaasoo uu ku dhintay.




Ilaalada Taliyaha iyo Xoogaga hubeysan, ayaa ku dagaalamay deegaanka Buundooyinka, oo qiyaastii 20km u jirta Magaalada Boosaaso.