Muqdisho(GNA)-Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta ka hadlay Munaasabad uu xilka ku wareejinayay ayaa daaha ka qaaday Musuq maasuq ay sameysay Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadii Ra'isul Wasaare Saacid.
Tarsan ayaa tilmaamay inuu jiray waxyaabo badan oo la musuq maasuqay intii uu xilka hayay, waxaana uu tusaale u soo qaaday gaadiid Ampalaas Casri ah oo loogu deeqay Maamulka Gobolka Banaadir oo la musuq maasuqay meel ay ku dambeeyeena illaa hadda aan la ogeyn.
''Waxaa Dhacday in Wasaaradii Arimaha Gudaha Xukuumadii Saacid ay nagala wareegto gaadiid Ampalaas casri ahaa oo ah nooca aaney xabadu karin Markaan wareejinaynay waxaa dhahay gaadiidka inta meel la iska dhigo ayey lugaha ka banjari doonaan ama inta kalarka laga badalo ayaa gaadiid caadi ah laga dhigan doonaa, gaadiidkaas hadda waa la waayay meel ay illaa hada ay ku dambeeyeena ma naqaan '' ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.
Tarsan ayaa intaa ku daray gaadiidkan in ay ugu tala galeen in Degmooyinka Gobolka Banaadir loo qeybiyo si ay uga caawiyaan in lagu qaado dhaawacyada ama haweenka foolanaya.
Hadalka Tarsan ayaa imaanaya xili Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya lagu eedeeyay in ay sameeyaan musuq maasuq baahasan oo la xariira in la dhaco hantida Qaranka.