Muqdisho(GNA)-Dagaalo ayaa shalay galab illaa xalay ka dhacay degaanka Texsiile oo ku yaala inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose.
Wararku waxay sheegayaan in dagaaladan ay dhexmareen ciidamo ka tirsan milateriga oo weeraray maleeshiyo beeleed degaanka Texsiile dhigtay isbaaro lacago looga qaado gaadiidka.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladan kuwaasoo kala gaaray labada dhinac inkastoo tiradooda oo sax ah aan la heynin illaa hadda.
Ciidamada dowlada ayaa la sheegay in labo jeer oo ay weerareen maleeshiyo beeleedkaas dib loo soo celiyey, iyagoo ku fashilmay iney qaadaan isbaarada halkaas taala.
Wararku waxay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka ka dagaalamaya degaanka Texsiile uu hogaaminayo nin gudoomiye ka ahaan jiray mar degmada C/casiis ee gobolka Banaadir oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Indhool, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay taliska milateriga iyo maamulka.