London(GNA) Fanaaniinta Nimco Yaasiin Nimco Sharaf iyo Axmed Nuux Axmed Codey ayaa Dhawaan Daawaha ka soo Qaadaya Heeso cusub oo ay ka mid tahay hees lagu dhaliilayo Xukuumadda uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Golihiisa Wasiiradda oo uu ugu Horeeyo Wasiir Xirsi.
Heestan oo Maalmaha foodda inagu soo haya soo gaadhi doonta Saxaafadda kala duwan ayaa midhaheeda wax aka mid ah, Qabiil Quutow na’soo dhaaf.
Axmed Codey oo ah fanaan Da’yar aadna u cod macaan ayaa badi Album-ka ay heesihiisu ugu badan yihiin iyadoo heesta ku jirta Album ay wada keenayaan Nimco Yaasiin “Nimco Sharaf” iyo Axmed Codey Heesta ay ku dhaliilayaan Dawladda Madaxweyne Axmed Siilaanyoi iyo waliba Sharciya qaar uu fanaanku ku sheegay Heesta in ay yihiin qaar ka horyimanaaya xariyatul qowlka Shacabka/Bulshadda
Heestan loogu magac daray Diir Ooman ayaa waxa Midha’heeda iyo Laxankaba ku ladhay Fanaanka Da’dayar ee Axmed Nuux “Axmed Codey”
Fanaan Axmed Codey oo dhamaan Bulshadda reer Somaliland ugu hambalyeeyay Album cusub oo uu dhawaan daawaha ka soo rogaayo, kuna dhiiri galiyay in ay soo dhaweeyaan heesaha uu ku sheegay in ay wax tar u leeyihiin shacabka reer Somaliland iyo Qarannimadooda.
Ali Caado (Dharaaro)
UK London