Tuesday, March 11, 2014

Fanaaniin Taageero haysta oo soo wada Heeso lagu dhaliilayo xukuumadda Siilaanyo


London(GNA) Fanaaniinta Nimco Yaasiin Nimco Sharaf iyo Axmed Nuux Axmed Codey ayaa Dhawaan Daawaha ka soo Qaadaya Heeso cusub oo ay ka  mid tahay hees lagu dhaliilayo  Xukuumadda uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Golihiisa Wasiiradda oo uu ugu Horeeyo Wasiir Xirsi.




Heestan oo Maalmaha foodda inagu soo haya soo gaadhi doonta Saxaafadda kala duwan ayaa midhaheeda wax aka mid ah, Qabiil Quutow na’soo dhaaf.




Axmed Codey oo ah fanaan Da’yar aadna u cod macaan ayaa badi Album-ka ay heesihiisu ugu badan yihiin iyadoo heesta ku jirta Album ay wada keenayaan Nimco Yaasiin “Nimco Sharaf” iyo Axmed Codey Heesta ay ku dhaliilayaan Dawladda Madaxweyne Axmed Siilaanyoi iyo waliba Sharciya qaar uu fanaanku ku sheegay Heesta in ay yihiin qaar ka horyimanaaya xariyatul qowlka Shacabka/Bulshadda




codey fanaanHeestan loogu magac daray Diir Ooman ayaa waxa Midha’heeda iyo Laxankaba ku ladhay  Fanaanka Da’dayar ee Axmed Nuux “Axmed Codey”




Fanaan Axmed Codey oo dhamaan Bulshadda reer Somaliland ugu hambalyeeyay Album cusub oo uu dhawaan daawaha ka soo rogaayo, kuna dhiiri galiyay in ay soo dhaweeyaan heesaha uu ku sheegay in ay wax tar u leeyihiin shacabka reer Somaliland iyo Qarannimadooda.




Ali Caado (Dharaaro)




UK London